CIID MUBAARAK



 

      

Taageerada Qurbajoogta Wayteen Ay u soo Dirteen XDSHSI Iyo Xukuumada

BAAQ TAGEERO QURBA JOOGTA BEESHA WAYTEEN 23aad February 2015, isniin, London Anakoo ah qurba joogta weyteen ee kunool dalalka, Canada, US, Australia, Norway, South Africa, Emiratka iyo carigga ingriiska, kana soo jeeda Dawladda degaanka Somalida ee Ethiopia, Waxaan taageero buuxda iyo salaam diiran oo kal iyo lab ah u soo diraynaa Xukuumada iyo XDSHSI uguna horeeyaan Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

waxaa kale oo ay qurbajoogtu salaam u soo direyaan dhamaan odayasha wax garadkii iyo hoyoyinkii soo abaabulay shirkii wada tashiga ahaa ee xukumadu ogu qabatay caasimada degaanka ee Jigjiga waxgaradka degaank, si loo sii taabo galiyo hormarka ka hanaqaaday degaanka intii ay jirtay xukuumada uu majaraha uhayo Mudane Cabdi Maxamud Cumar Waxaan taagersan anahay hormuka kala duwan ee xukumadu kasamaysa degaanka sidda:

Soo saarista biyaha dhulka hoos tiisa aha ee tulooyinki oonka loogu dhaman jiray, ee dad iyo duun yaba waqti roob mooyeen, ayna tagin jirin waqti kale, hadda biyaha laga dhargay dad iyo duunyaba, laguna rakibay qalab casri aha oo hadda kahor kajirin degaanka, iyo jidadkii dhaa dheeraa ee uu umaray inuu shacabkiisa lasoo kulmo dal iyo dibadba Madaxwaynaha Wadooyinka Waxbarsahad kala duwan Maamulka suuban Caafimaadka iyo Dib udajinta Baaqa Maalgashi ee kala duwan ee Madaxweynaha ogu baaqayo dhamana qurba joogta.

Qurba joogta marlbaad iyo mar sadexaadba waxay bogaadinaysaa hormarka, maamulka suuban, ee XDSHSI oo hormuudka kahay Mudane cabdi maxamud Cumar, oo ay ku taageersan tahay inuu talada degaanka sii hayso.

Ugu danbayn waxaa ay Qurba joogtu bogaadisay khudbadihii Mudane Madaxwaynaha cabdi Maxamud cumar shacabka ee muujinaysay Midnimada iyo iskaashiga.

waxaanuna garwaaqsanahay in Xukuumada maantu tahay ta kaliya ee shacabkeeda ka damqanaysa ee soo marta Deegaanka. Mahadsnidiin Qurba Joogta weyteen