CIID MUBAARAK



 

      

Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada Jigjiga Oo Kawarbixiyay Hirgalinta Mashaariicihii Horumarineed Ee Degmada Jijiga U Yaalay 6 Bilood Ee Sanadkan 2007TI.

Jigjiga(CN) Arbaco.Mar.04.2915, Madaxa xafiiska maaliyada ee degmada jijiga ee gobolka faafan mudane Axmed Saalax Xuseen oo xafiiskiisa ugu waramayay shabakada wararka ee cakaara news ayaa ka warbixiyay qaabkii loo hirgaliyay mashaariicihii horumarineed ee u yaalay degmada sanadkan.

Wuxuuna mudane ahmed saalax ku bilaabay hadalkiisa” waxaan ugu horayntii u mahadnaqayaa shabakada wararka ee cakaaranews iyo hogaaminta xukuumada DDSI oo iyadu ahayd mida hirgalisay horumarkan sida xawliga ah u maansheeyay dhamaanba DDSI”

Mar uu guda galay warbixinta waxqabadka sanadkan madaxa maaliyada degmada jijiga ayaa waxa uu sheegay in ay  bilowgii sanadkan horyaaleen degmada hirgalinta mashaariicaha horumarineed  oo muhiim ah kuwaasi oo kor loogu qaadayo dhamaanba adeegyada horumarineed ee bulshada sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada beeraha, kobcinta awooda shaqaalaha kor u qaadida iyo ururinta ilaha dakhliga.

Mar uu ka hadlayay masuulku dhinaca biyaha ayaa waxa uu yidhi”maadaama oo ay xukuumadu qorshayaasha kuwa ugu muhiimsan ay ka dhigatay helidaanka dhinaca biyaha  waxaa noo qorshaysnaa in aan qodno 11 barkadood oo cusub waanan ku guulaysanay in aan 11kiiba  qodno 6dii bilood ee sanadkan kuwaasi oo hada bixindoona adeegii dhianca biyaha ee ay u baanayd bulshadu”.

Masuulka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in hirgalinta mashaariicahan dhinaca biyaha ah laga qaybgaliyay bulshada  lacagihii ku baxayayna  ay dib ugu noqotay shacabka iyada oo  iskaashatooyin tuulooyinka laga sameeyay iskaashatooyinkaasi oo ay degmadu abuurtay ayaa ka qaybqaatay hirgalinta mashaariicahan dhinaca biyaha waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in sanadkan la dayax tiray  6 barkadooda iyo 4 ceel.

Mar uu ka hadlayay  dhinaca waxbarashada ayaa waxa uu sheegay si loo tir tiro dhinaca jahliga  islamarkaana kor loogu qaado tayada baris barasho  ayaa waxaa hirgalinay in  Heerka daboolka gaadhsiinay waxbarashada wuxuuna sheegay in 3 isguul lagu sameeyay dayax tir kuwaasi oo ku yaala tuulooyinka hoosyimaada degmada.

Sidoo kale masuulku mar uu ka hadlayay dhinaca caafimaadka ayaa waxa uu sheegay in ay degmada u qorshaysnayd dhisida 1 health post iyo dayaxtirka 2 health post kuwaasi oo la dhamaystiray hadana siiyo bulshada adeegii looga baahnaa.

Dhanka kalena madaxa xafiiska maaliyada ee degmada jijiga ee gobolka faafan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa kudaray in sidii loogu talagalay ay loo soo gabagabeeyay qorshayaashii u yaalay degmada ee dhinaca beeraha hirgalinta iyo ku shaqaynta qorshaha PPR, shaacinta miisaaniyadaha .

Dhanka kale shacabka kudhaqan tuulooyinka hoosyimaada dagmada jijiga ayaa sooo dhaweeyay mashaariicahan laga fuliyayay tuulooyinka hoosyimaada dagmada jijiga sheegeena in ay aad ugu faraxsanyiin.

Guud ahaana mashaariicahan soogabagaboobay ayaa waxa ay iskujiraan kuwo adeega bixiyay oo siiya shacabka iyo kuwo dhawaan bilaabi doona adeegsiinta shacabka

Ugudanbayn ayaa madaxa  xafiiska maaliyada ee dagmada jijiga ee gobolka faafan ee  mudane Axmed saalax xuseen waxa uu ku booriyay  guud ahaanba shacabka kudhaqan DDSI in ay sii laba jibaaraan dardargalinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.