CIID MUBAARAK



 

      

Engineer Cabdilaahi Axmed Maxamed Oo Uu Wehelinayo Maalgashade Heer Caalamiya Oo ay Masuuliyiin Heer Deegaan Ah Ku soo Dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Ee Garaad Wiil Waal Airport.

Jigjiga(CN) Jimce.Mar.06.2015, waxaa maanta si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal International Airport engineer Cabdilaahi Axmed Maxamed oo uu welininayo mudane Cali Barge oo ah maalgashade heer caalamiya una socda in uu deegaanka ka samaysto maalgashi kuna deeqay deegaanka 2 anbalaas.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha qaarka mid ah masuuliyiinta DDSI oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudan bashiir  Maxamed Cabdilaahi, wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid, maareeye ku xigeenka wakaalada hawlaha biyaha mudane guuleed muxumed cumar, qaarka mid ah suldaanada DDSI iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI.

Haddaba waxaa qolka nashadada ee garoonka diyaaradaha kula hadlay warbaahinta DDSI engineer cabdilaahi ahmed maxamed   oo ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda sheegayna in uu ku qotoma in ay deegaanka ku sameeyaan maalgashi balaadhan wuxuuna tilmaamay in ay maalgashadayaal heer caalamiya ay ku wehelinayaan maalgashidan.

Mudane Cali Barge oo ah maalgashade u dhashay wadanka garmalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu hadba  maalgashi ku sameeyo wadamada uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo waxaana diirarkii maalgashiga noo buuxisay ayuu yidhi DDSI oo ah hadda meel uu dhaqaalaheedu ku socdo xawli soona jiiday indhaha caalamka waxaana u mahad celinayaa guud ahaanba  dawlada dalka itoobiya iyo masuuliyiinta xukuumada DDSI oo si diiran noogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee jijiga.

Wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi oo sheegay in ay dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ku soo martay dhamaan qaaradaha aduunku tahay tan ka danbaysay in ay ku soo qul qulaan maalgashadayaasha u dhashay deegaanka iyo kuwa heer caalamba.

Dhankiisa  wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid oo la hadlay warbaainta DDSI ayaa sheegay in ay maanta farxad u tahay soo dhaweynta ka xukuumad ahaan ay ku soo dhawaynayaan maalgashadayaashan iskugu jira kuwa u dhashay deegaanka iyo kuwa heer caalamiya, wuxuuna sheegay in ay xukuumadu markasta diyaar u tahay soo dhawaynta iyo dhiiragalinta dhinaca maalgashiga, waxaa kale oo uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in ay siwayn ugu mahadnaqayaan ka xukuumad ahaan iyo xafiis ahaanba 2da anbalaas ee uu ku deeqay deegaanka maalgashade Cali Barge.

Ugu danbayntii waftigan iyo masuuliyiintii soo dhawaysayba waxay dhaanto si fiican ula jabiyeen kooxaha fanka iyo suugaanka oo waftigan ku soo dhawaynayay ciyaaro dhaqameedyo ay ka mid tahay dhaantadu.