CIID MUBAARAK



 

      

Maareeyaha Kuliyada Caafimaadka Jijiga Oo Kawarbixiyay Waxqabadkii Baris Barasho Ee Bililii Ugu Danbeeyay Ay Hirgalisay Kuliyadu.

Jigjiga(CN) Jimce.Mar.06.2015, kuliyada caafimaadka ee Jijiga oo ka duulaysa  hirgalinta ka midho dhalinta hayaanka  qorshayaasha horumarineed ee u dajisan  xukuumada DDSI ee ku qotoma  ka jawaabida baahida shacabka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo sii xaraar galinlahaa abuurida cudud xirfadlayaal caafimaad oo ka xaqabtira bulshada deegaanka ageegsiinta dhinaca caafimaadka.

Haddaba maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga mudane Deeq Cabdilaahi Buraale oo xafiiskiisa ugu waramayay wariyaha shabakada wararka ee CakaaraNews ayaa ugu horayntii ka warbixiyay siiyaalada qorshayaasha caafimaadka ee ku salaysan kor u qaadida tayada xirfadlayaasha iyo adeegsiinta bulshada.

Wuxuuna wariyihi ugu horayntii waydiiyay bal in uu ka warbixiyo maareeyuhu noocyada culuumta ee ay bixiso kuliyadu wuxuuna yidhi si loo gufeeyo goldalooloyinka ka iman kara dhinaca adeeg bixinta caafimaadka waa in la helaa cudud firdadlayaal caafimaad oo tayo iyo karti aqooneed leh waxayna kuliyadu soo saartaa cudud horumarineed oo ah xirfadlayaal caafimaad oo gashi horumarineed u noqonayo guud ahaanba bulshada deegaanka waxayna kuliyadu bixisaa noocyada kala duwan ee cilmiga caafimaadka sida (Phar, MW,lab,pub, c,nurse , HIT iyo waliba qaybo kale oo muhiim ah.

Waxaa kale oo uu maareeyuhu si qoto dheer uga waramay barnaamij ay kuliyadu bilihii ugu danbeeyay hirgalisay kaasi oo ah si bulshada deegaanka looga badbaadiyo dhibaatooyinka kaga iman kara dhinaca adeegsiinta caafimaadka ayaa waxaa la hirgaliyya barnaamij kor loogu qaadayo gaarka aqoomeed ee umiliso dhaqameedka deegaanka kaasi oo ay wajigiisii ugu horeeyay ka qalin jabiyeen dhawaan 120  haween oo umuliso dhaqameed ahaa lagana soo kala xulay dhamaan degmooyinka deegaanka. kuwaasi oo mudo afar bilood ah wax ka baran jiray kuliyada caafimaadka ee jijiga

Wuxuuna maareeyuhu sheegay in umuliso dhaqameedyadan ay markii  hore  ahaayeen kuwo aan aqoon ulahayn sida looga dhaliyo hooyada dhalaysa balse uga dhalinjiray si u dhaxaysa dhimasho iyo nololl ayna halkaasi ka soo gaadhijireen hooyada dhalaysa iyo waliba ilmaha dhalanaya dhibaatooyin xoogani

Sidoo kale waxa uu maareeyuhu sheegay in ay markii ay umuliso dhaqameedku dhamaysteen waxbarashadoodii ay kuliyadu gudoonsiisay shahaadooyin cadaynaya xirfada aqoontooda iyo qalabkii ay u adeegsan lahaayeen hooyada dhalaysa

Dhanka kale maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jijiga ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay  in ay wadaan dadaalo lagusii xoojinayay siidii loo  dardargalinta hawlaha baris barasho si loo helo bulsho caafimaad qabto marwalba xirfadlayaasha caafimaadka kor loo siiqaadayo garaad koooda aqoooneed ee  ku aadan fidin caafimaadka

Waxaa kale oo uu maareeyuhu arabka ku dhuftay in ay kuliyada si mug leh u fiso deeqaha waxbarasho ee ay xukuumada DDSI ku deeqdo wadamada aan dariska nahay sida soomaliland iyo  putiland si loo xii xoojiyo daris wanaaga bulshada aan walaalaha nahay .
Waxaa kale oo uu tilmaamay maareeyuhu in ay kuliyadu hada wado qorshayaal lagu sii dayaynayo daboolida baahiyaha caafimaadka sanadka soo socdana bilaabayso degree program

Ugu danbayn kuliyadan caafimaadka ee jijiga oo la aas aasay taariikhdu markay ahayd 1991 EC  waxaana kaqalinjabiyay arday  kabadan 2600 kuwaasi oo ku soo kordhiyay  deegaanka dadaalada loogu jiro dhanka fidinta caafimaadka.