Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabada Xuska Sanad Guurada 17aad Ee XDSHSI Oo Guud Ahaanba Siwayn Looga Diyaar Garoobay Degaanka.

Jigjiga(CN) Jimce.Mar.06.2015, iyada oo maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doono munaasabada  xuska sanad guurada 17aad ee XDSHSI ayaa waxaad si wayn uga dareemaysaa caasimada deegaanka ee Jijiga u diyaar garowga munaasabadan.

Waxayna indhahaagu markiiba ku dhacayaan sida loo sii qurxiyay wadooyinka, guryaha magaalada  calamaan laga lulay wadooyinka waawayn ee magaalada jijiga,  xarumaha 20ka xaafadood ee magaalada jijiga oo kor loo siiqaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu soo qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin.

Haddaba munaasabadan sanad guurada 17 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2007TI, ayaa waxay ka turjimaysaa  aas aaskii XDSHSI soonyaalka  taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa  ee uu soomaray XDSHSI,

Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay  xisbigu u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban oo damaanad u noqday shacabka deegaanka hantayna qaabdhismeedka dawladnimo kana go’antahay  gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed oo aan soo noqod lahayn, ka midho dhalinta qorshayaal cilmiyaysan oo si mug leh uga jawaabaya baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka. Wuxuuna tir tiray xisbigu sanadihii ugu danbaysay aragtida dulsaarnimada.

Taageerada balaadhan ee xisbiga, dal iyo dibad ayaa wakhtiyadii u danbeeyay aad u sii badanaysa kadib isbadalka dhaxal galka ah ee uu XDSHSI curiyay haday tahay nabadagaliyada, horumarka, maamulka suuban iyo xidhiihka dadwaynaha.