CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Socdaalkii Dibada Kujira Wakhtigana Ku Sugan Yurub.

Milan(CN) Sabti.Mar.07.2015, Sida aad wararkayagii hore kala socoteen CakaaraNews, waxaa dhwaan  socdaal dibada u diyaar garoobay madax sare oo DDSI ah uguna horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaantan ka anbabaxay xarunta dalka ayaa taniyo maanta kusugan dalka talyaaniga ee carigaasi Yurub. Madaxwaynaha ayaa hada jooga caasimada Milan ee gobolka Lombardy ee dalkaas Talyaaniga.

Madaxwaynaha oo uu wahelinayo wasiir kuxigeenka wasaarada qurbajoogta mudane Cabdi Khaliif ayaa booqday warshada riigaga samaysa ee kutaala caasimadaasi Milano, iyagoo labada cisho ee soo socota u sii jeeda dhinaca Ameerika.

Milan oo ah caasimada labaad ee oogu dadka badan Talyaaniga ayaa aad ugu hormarsan dhanka warshadaha iyadoo sidoo kalena laga yaabo in ay madaxwaynaha kawada hadlaan shirkad ay dhawaan heshiis lagashay DDSI oo ku takhasusta xal u helista arimaha biyaha (water solution).