Dabaaldaga Xuska Sanad Guurada 17Aad Ee Aas Aaskii XDSHSI Oo Si Balaadhan Looga Xusay Degmada Jigjiga ee Gobolka Faafan.

Jigjiga(CN) Axad.Mar.08.2015, waxaa shalay guud ahaanba laga xusya degmooyinka deegaanka sanad guurada 17 ee maalinta aas aaska XDSHSI oo ku beegan 28 bisha yekatiid 2007 IT. iyada oo ay xog qabashada ilwareedka shabakada wararka ee CakaaraNews  ay si isdaba joog ah ugu soo  dhacayaan wararka ku saabsan dabaal daga munaasanbadan xuska  ee ka imanaya degmooyinka deegaanka gobolada iyo maamulada magaalooyinka, ayaa waxa aan ku eegaynaa warkan sida looga xusay degmada Jijiga ee Gobolka faafan.

Xafladan dabaal daga munaasabada xuska sanad guurada 17aad ee ka soo wareegtay aas aaskii xisbiga ee ay ku xuseen  degmada jigjiga oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Waxaana ka soo qaybgalay munaasabadaasi  masuuliyiinta capinetka degmada jijiga oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha degmada jijiga mudane Axmed Nuur, gudoomiye ku xigeenka degmada mudane Maxamed Cabdicabdilaahi, madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI ee degmada jigjiga mudane Cabdishakuur Cismaan (dhagawayne) madaxa arimaha Xisbiga ee degmada jijgjiga mudane Axmed Raabi Gurxan, shaqaalaha degmada jijiga, maamulada tuuliyinka hoos yimaada degmada Jijiga iyo marti sharaf kale oo kala qaybgashay munaasabadan.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan gudoomiyaha degmada jijiga mudane Axmed Nuur oo si mug leh uga warbixiyay  ahmiyada ay maalintani u leedahay guud ahaan shacabka deegaanka tahayna maalin ay xusitaankeedu ku wayn yahay quluubta shacabka deegaanka soomalida itoobiya  wuxuuna sheegay in maadaama oo uu xisbigu yahay ayuu yidhi gudoomiyihu kii xaqiijiyay helitaanka horumar buuxa xasilooni taam ah iyo ka jawaabida baahiyaha shacabka loo baahan yahay in la sii xoojiyo xusitaanka maalintan qaaliga ah.

Masuuliyiintii kale oo ka hadashay munaasabadan oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenka degmada jijiga mudane Maxamed Cabdicabdilaahi , madaxa arimaha siyaasadah XDSHSI ee degmada jijiga mudane Cabdishakuur Cismaan(dhagawayne)  iyo waliba madaxa arimaha xisbiga ee degmada jijiga mudane Axmed Raabi Gurxan ayaa waxay dhamaantood si mug leh uga warbixiyeen marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray xisbigu iyo heerka uu hada taagan yahay iyo waliba ahmiyada ay leedahay xusitaankeedu maalinta.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa abaalmarino iyo shahaada sharaf la gudoonsiiyay shaqsiyaad muujiyay dadaal dheeriyo oo ku qotoma hirgalinta hawlaah horumnarka ee XDSHSI ee degmada jigjiga.