CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI oo xafiiskeeda ku qaabishay qurba-joog maalgashadayaal ah oo iskugu jira kuwo u dhashay deegaanka iyo kuwa heer caalamiya

jigjiga(CN)Talaado.Mar.10.2015, ku simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay maalgashadayaal qurba joog ah oo ay ka mid yihiin engineer cabdilaahi ahmed mahamed oo ah maalgashade u dhashay deegaanka iyo mudane cabdi barge oo ah maalgashide heer caalamiyo oo u dhashay wadanka jarmalka. Waxaana kulankaasi kula wahelinayay dhinaca xukuumada DDSI wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid, iyo wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane bashiir maxamed cabdilaahi.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadashay ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo sucaad ahmed faarax, oo si diiran ugu soo dhawaysay qurbatan maaglashadayaasha ah deegaanka waxayna siqo dheer uga warbixisay in ay xukuumadu DDSI markasta diyaar u tahay soo dhawaynta cidkasta oo maalgashanaysa deegaanka madaxwayn madaxwayne ku xigeenku siwayn uga warbixisay fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay.

Engineer cabdilaahi ahmed maxamed oo ka warbixisay ujeedada socdaalkooda ayaa waxa uu siwayn ugu mahad naqay guud ahaanba xukuumada DDSI sida diiran ee ay deegaanka ugu soo dhaweeyeen wuxuuna sheegay in ay kaga midho dhalinayaan dhinaca maalgashida wuxuuna sheegay in ay deegaanka ka samaynayaan warshado wax soo saarkooda sareeyo kana qayb qaadan doona karaargalinta xawliga horumarineed ee ay xukuumadu sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay islamarkaana sheegay in laba ampulance ay deegaanka ugu deeqeen dhawaana iman doonaan.

Mudane cali barge oo ah maalgashade u dhashay wadanka jarmalka ayaa si qoto dheer ahmiyada uu u yimiday deegaanka sheegayna in ay tahay in uu deegaanka ku sameeyo maalgashi iyo in ay tahay iyo in ay xukuumada kala qaybqaataan dadaalada horumarineed ee ku qotoma adeegsiinta iyo daboolida baahiyaha bulshada deegaanka . Qurba joogtan iyo masuuliyiintii ku wahelinayay kulankaasi ayaa waxaa kale oo ay maanta booqdeen dugsiga hoyga agoonta ee magaalada jijiga, waxayna qurba joogtani ku wareejiyeen ardayda ku xeraysan dugsiga hoyga agoonta ee jigjiga deeq aad u qaaliya oo ay ka mid yihiin 4 neef oo ah .

Waxayna kulan la qaateen maareeyaha dugsiga hoyga agoonta iyo waliba ardayda agoonta ah ee ku xeraysan dugsiga hoyga agoonta magaalada jigjiga, engineer cabdilaahi ahmed oo ka hadlay kulamadaasi ayaa sheegay in ay ugu mahad naqayaan xukuumada DDSI sida wanaagsan ee ay u daryeeshay caruurtan aqoota ah u na dhamaystirtay dhamaan baahiyahoogii ahaa dhinaca hoyga jiifka, cuntada, waxbarashada, caafimaad huga,

engineerku isaga oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in uu jeclaaday in uu la soo qadooyo caruurtan agoonta ah laakiin xukuumadu dhamays tirtay baahidoodiiba. Qurba joogtan ayaa waxaa la filayaa in ay inta ay joogaan deegaanka buuqasho ku tagaan qaarka mid ah gobolada DDSI oo uu ka mid yahay gobolka qorashay.