Magaalada Dh/buur oo 3G loo Sii Daayay

Dh/buur(CN) Jimce March-13-2015.magaalada dh/buur oo khadka mobileku hada ka hor cakirnaan jiray ayaa sida uu noo sheegaywasiir kuxigeenka horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha mudane Axmed Shukri noo sheegay loo furay aalada internetka degdegsiimaha badan ee 3G kaasoo khadka xidhiidhka wax wayn ka qaadan doona.

Masuulka ayaa intaa ku daray in guud ahaan Degmooyinka Gobolka Jarar ay kala siman yihihiin helida 3G islamarkaana ay wakaalada isgaadhsiinta DFI ay ku guda jiraan balaadhinta antenoyinka degmada Dh/madow,gunagado halka Degmada Yocaalena todobaadkan la gudagali doono xoojinta antenoyinka xidhiidhka mobileda islamarkaana caawa la filayo in loo sii daayo Ararso,Cobale iyo Hodaale.

mar aanu la xidhiidhnay gudoomiyaha Gobolka jarar mudane Farxaan Cabdi Maajuun ayaa uu noo sheegay in uu khadka mobileku aad u fududaaday oo laga raystay dhibaatooyinkii ka haystay xidhiidhka iyo antenada kaasoo aad u fudud maanta ayuu yidhi.

Todobaadkii hore ayaa loo sii daayay 3G degmooyin badan oo ka tirsan ghobolka Faafan.