Wasiirada Wasaarada Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI oo Agab Iskugu Jira Computero iyo Qalab Kale loo Adeegsado ICT Ku Wareejiday Xafiiska ee Adeega Shacabka ee Degmada Dhagaxbur

Jigjiga(CN) Wasaarada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI ayaa wakhtiyadii ugu danbeeyay dadaal xoogan ugu jirta meelmarinta hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee u yaala xukuumada oo dhinaca kasta leh, eek u qotoma  adkaynta iyo xoojinta  isbadalka ciidanka  horumarineed abuurida ilaha  shaqada,shaqaalaysiinta ardayda waxka baratay dalka iyo deegaankaba iyo  awoodsiinta iyo kor u qaadida garaadka xirfadeed  aqooneed ee shaqaalaha dawlada.

Haddaba  wasiirada wasaarada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed maxamuud ayaa maanta ku wareejisay  agab aad u tiro badan oo  iskugu jira computerro, LCD projectorro, photo copy machine, printerro, scannerro, UPS, networking cable iyo waliba qalab kale oo muhiim ah loona adeegsato aalada casriga ah ee ICT ayaa waxay ku gudoonsiisay  xafiiska adeega shacabka ee degmada dhagax buur.

Waxaana agabkaasi ka gudoomay wasiirada, madaxa xafiiska adeega shacabka ee degmada dhagax buur mudane xasan nuur cali.

Marwo maajida wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI oo markii ay gudoonsiisay agabkan  xafiiskeeda kula hadashay  qaarka mid ah warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga hadashay ahmiyada uu agabkani leeyahay waxayna tilmaantay in qalabyada noocan  oo kale ah ku deeqaan  degmooyinka deegaanka  looguna  tala galay agabkani in looga faa’iideeyo  dhalinyarada degmooyinka si ay uga faa’iidaystaan isticmaalka adeegsiga aalada casriga ah ee ICT iyo waliba in  agabkani loogu talagalay in ay dhalinyarada loogu abuuro illo shaqo islamarkaana  bulshadana  siiyaan adeeg hufan kana qiimo jaban mid kii markii hore ay meelaha gaarka loo leeyay bulshadu adeegsan jireen.

Marwo majiida oo sii wadata hadalkeeda ayaa si durugsan uga warbixisay in ay xafiisku dadaal xoogan ugu jiro gaadhsiinta shacabka deegaanka adeeg deg deg ah oo  hufan, sii xoojinta iyo karaargalinta adkaynta ciidanka horumarineed oo fuliya hawlaha waxqabadka qorshayaasha lagu hiigsanayo horumar buuxa oo aan soo noqod lahayn,  adkaynta shaqo ee dhinacyada shacabka iyo hayadaha dawlada.

Waxayna wasiiradu carabka ku adkaysay in ay ka go’antahay xafiiska iyo guud ahaanba hogaaminta xukuumada DDSI in ay gaadhsiiyaan shacabka deegaanka wadama uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay, lana tir tiro saboolnimada iyo jahliga taasina lagaga midho dhalin karo marka la xoojiyo habka fulinta ciidanka horumarineed. 

Isku soo wada xooriyoo xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI ayaa dadaalo mug leh uga jira meelmarint hayaanka jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u yaala guud ahaanba xukuumada DDSI