CIID MUBAARAK



 

      

War Deg Deg Ah: Gudiga Qaban Qaabada Shirarka Waftiga DDSI Ee Minneapolis Oo Shaaca Kaqaaday Qaab U Socodka Shirarka.

Minneapolis(CN) Talaado.March.17.2015, wararka hada nagasoo gaadhaya gudiga qaban qaabada geedi socodka shirarka ee Minneaoplis ayaa sheegaya in shirwaynaha kadib ay jiraan sidoo kale shirarka goos gooska ahee gobolada iyo degmooyinka kuwaas oo qoraalo iyo si fool-ka-fool ah isugu jira.

Gudoomiyaha gudiga mudane Maxamed Suldaan Bade iyo kuxigeenka ugaas Maxamuud Cumar Haaguf ayaa sheegay in ay diyaarinayaan jadwalka guud islamarkaana ay nasoo gaadhsiinayaan qaab socodka oo dhamaystiran.

Guddigu waxuu sheegay in shirka lagu gali doono kaarar casuumid (invitatin cards) iyadoo kadibna ay jiri doonaan shirarka gobolada iyo degmooyinka oo goos goos ah.

Wuxuuna warku sheegayaa in wixii arin ah lagala xidhiidho gudiga qaban qaabada islamarkaana la diyaarinayo jadwalka oo dhamaystiran. Wixii faah faahin ah kala xidhiidh gudiga waxaana idin lasocodsiin doona wixii kasoo baxa guud ahaanba jadwalka qaab u socod ee wagtiga madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.