Shacabka, Haayadaha Nabadgaliyada iyo Shaqaalaha Dawlada ee DDSI Oo Aad Uga Mahadcelinaya Soo Dhawayntii Waynayd Ee Madaxwaynaha DDSI U Sameeyeen Qurbajoogta Minneapolis.

Jigjiga(CN) Talaado.March.17.2015, shacab waynaha DDSI ee kukala dhaqan gobolada iyo degmooyinka, haayadaha nabadgaliyada iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha DDSI ayaa aad uga mahad celinaya sida wadaniyada leh ee ay qurbajoogta DDSI u soo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo waftigiisa islamarkaana u garab taagan yihiin hawlaha horumarka dalka iyo deegaanka.

Shacabka iyo dhamaan qaab dhismeedka haayadaha kala duwan ee DDSI ayaa aad ugu farxay kadib markii ay arkeen qurbajoog aad u badan oo garoonka kusoo dhaweeyay madaxwayne Cabdi Maxamuud iyagoo gacmaha kor ugu xanbaaray ubaxyo iyo calamada dalka iyo deegaankana sitay.

Sida ay shabakada CakaaraNews fariimo badan kusoo gaadhayaan, Shacabka reer DDSI, haayadaha amniga, madaxda iyo shaqaalaha DDSI ayaa guud ahaanba aad uga mahad celinaya dadaalka iyo sida ay walaalahooda qurbajoogtu u garab taagan yihiin isbadalka horumarineed iyo dadaalka madaxwaynaha iyo hogaamintiisa.

Wararkayaga danbe ayaan idin kusoo gud bin doonaa xogoha kusaabsan mahad naqa ay DDSI u gud binayso walaaalahooda qurbajoogta DDSI, taageerayaasha EPRDF iyo guud ahaanba qurbajoogta markasta garab taagan horu socodka Itoobiya.