Halganka Horumarineed Ee Xukuumada DDSI Oo Cagta Mariyay Hadhaagii Kooxda Ubbo Iyo Duugii Ka Hadhay Dergiga Ee Wah-Wahda Lafadhiyay Meelo Kamaida Qurbaha.

Jigjiga(CN) sida lagala socdo bar-kulanka Intrnetka-bulashada iyo warbaahinta caalamka waxaa maal mahan aad u muuqata socdaalka waftiga DDSI ee uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maamuud Cumar oo ay qurbajoogtu si dareen wadinyeed iyo kalgacaylo dhiiran leh ugu soo dhaweeyeen garoonka caalamiga ah ee Minneapolis-Saint-Paul International Airport.

Hadaba Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay ka hirgashay isbadal siyaasadeed iyo qorshayaal horumarineed oo aad loogu diirsaday sanadadii ugu danbaysay ayaa haataan aysan kajirin qaskii iyo dhibaatoyinkii hada kahor shacabka iyo deegaanka ragaadiyay. Iyadoo aysan cidana hada iska indha tiri karin horumarka iyo xasiloonida DDSI ee kudayashada mudan ayaa hadana waxaa jirta in ay jiraan shaqsiyaad iyagu isbadalkan ka xun kuwaas oo ay ugu horeeyaan kooxda hadhaaga ah ee dibadaha ku dhuumaalaysata sida duugii kahadhay Dhargigii Ginbood 7, Ubbo iyo kuwa la halmaala ee shacbiya.

Socdaalkan dibada ee waftiga madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadaba soo if-bixiyay taageero aad u balaadhan oo shacabka reer Itoobiya ah gaar ahaan qurbajoogta, taasoo dhin bil dab ah ku noqotay kooxda magacoodii ba'ay ee gabaadka kadhiganaysay meelo kamida qurbaha kadib markii shacabku aayahoodii katashaday horumar iyo nabadgaliyana helay.

Kooxdan tacabkoodu noqday wah-wahda ayyga ayuu kafashilmay isku day ay kula kaceen madaxwaynaha iyagoo soo dirsaday ayy lagu soo qiimeeyay qaylo dheerarka iyo wah-wah inuu ugu xariifsanaa islamarkaana bayuuri ka raacday.

Hadaba waxaa si cad looga fahmayaa socdaalkan madaxwaynaha  in shaqooyinka horumarineed ee xukuumada DDSI ee dal iyo dibad laga wada makhraati kacay shacabkuna ilaashanayo, waxayna dadku socdaalkan hawleed ku tilmaamayaan halgan-horumar oo cidhib tiraya hadhaagii Kooxda isugu jirta Ginbood 7, Ubbo iyo shacbiya oo meelo qurbaha kamida  gabaadka kadhigan jirtay.

Sida aad ka maqli doonto ama shalayba uga maqashay waraysigii laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du waydiisay madaxwaynaha isagoo kawarbixinayaa hadafka iyo shaqooyinka horumar ee ka go'an, ayaa waxaa layaab noqotay sida uu mid kamida afarta hadhaaga Ubbo ee istaaga kuriyoonaysa xaqiiqada iyo isbadalka DDSI u inkirayo iyo waliba siduu ugu faantamayo halgankoodii wah-wahda ayyga ama qaylada miciinka ah isagoo inkiraya isbadalka qurbihii kadhacay iyo sida daaqada ay uga baxeen. halkan ka dhagayso Waraysigii