Ramadan Kariim 



 

      

Halkuu Marayaa Socdaalka Hawlgalada Waftiga Madaxwaynaha DDSI iyo Ginbot 7 ee Maraykanka.

Jimce(CN) March.20.2015.sida la wada ogsoonyahay waxaa socdaal ku jooga wadanka maraykanka wafti sare oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar kuwaasoo ka bilabay socdaalkooda Magaalada washington ee cariga maraykanka halkaasoo aad ay ugu soo dhaweeyeen Safaarada Itoobiya iyo Qurbajoogta ka soo jeeda dhamaan JDFI gaar ahaana Qurbajoogta Soomaalida.

Socdaalkan oo la magac baxay hawlgalkii Dhirbaaxada Ginbot 7,Shacbiya iyo UBBO Daacish ayaa uu madaxwaynuhu ku jabiyay boola-xooftadii iyo caydii ay ginbot 7 ku haysteen in ka badan 20 sano washington ka dib markii ay Ginbot 7 iyo Shacbiya adeegsadeen iskuday fashilmay madaxwaynaha DDSI oo kaligii fadhiya Hotel Mariot ay damceen in ay madaxwaynaha iyagoo aflagaadaynaya Videow ka duubtaan lkn waxaa ay kala kulmeen ficil geesinimo leh oo aynan waligood la kulmin taasoo u noqotay Cashir lama ilaawaan ah Ginbot 7 iyo shacbiya.

Madaxwaynaha ayaa si geesinimo leh iskaga celiyay Koox shacbiya u badan oo uu hor boodayay Nin lagu magacaabo Mokonen kaasoo isbidayay in uu sidii uu hore u bartay kala kulmi doono madaxwaynaha balse madaxwaynaha ayaa laftigiisii ka duubay isagoo qadaadka ay qabteen bolisku oo lagu tuurayo baabuur iyo Qoraalo fadeexad ku noqday Ginbot 7 oo uu madaxwaynuhu hor dhigay Camerada ay waxga ka duuba islahaayeenba. Hadaba waxaynu halkan ku falanqaynaynaa Sida dalka iyo Dibada looga soo dhaweeyay hawlgalka waftiga madaxwaynahu ku joogaan USA iyo Baroorta Ginbot 7.

Hadaynu ku horayno dhanka waftiga madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar waxa ay adhaxda ka jabiyeen Ginbot 7 oo aanan waligood la kulmin iska caabin iyo in laga jawaabo caydooda balse madaxwaynaha DDSI ayaa si Geesinimo leh shafka ugu daruuray cashar aynan waligood ka soo waaqsana u dhigay Wah Wahda eyga Ginbot 7,Shacbiya iyo UBBO-DAACISH. Safiirka JDFI u fadhiya washington,taageerayaasha EPRDF iyo Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Deegaan ee ay ka kooban tahay DF-itoobiya ee ku dhaqan guud ahaan dalka iyo Dibada gaar ahaan washington ayaa aad u soo dhawaysay Sida geesinmada leh ee uu madaxwaynuhu isaga celiyay Ginbot 7 kuwaasoo bartil-maameedyada ay ku kulmaan Bulshadu ku soo daabacaya taageerada ay u hayaan madaxwaynaha DDSI iyo go'aankiisii geesinimada lahaa ee uu ku jabiyay Ginbot sabat oo ahayd warshada Ay Cayda iyo Qudhunku ka soo bixi jireen islamarkaana Bogaadiyeen waraysigii xiisaha badnaa ee uu Madaxwaynaha DDSI uu siiyay TG TELEFISHION.

Magaalada Addis ababa iyo madaxda Federaalka ayaa aad u soo dhaweeyay sida geesinimada leh ee uu madaxwaynaha DDSI cashirka ugu dhigay Ginbot 7 yo shacbiya taasoo baal cusub u furtay baraarujinta Qurbajoogta ka soo jeeda DFI ee ku sugan Washington iyo gabi ahaanba waqooyiga ameerika sidii ay cagta u sii marin lahaayeen Gofanayaasha-Hadhaadigii Dhergiga ahaa ee Ginbot 7 iyo Shacbiya ee dagaalka kula jira Dimoqraadiyada ka curatay Dalka itoobiya iyo Wada-noolaanshaha walaalnimo ee Shucuubta iyo Qowmiyadaha iyo Saraynta axdi-qarameedkooda(Dastuurka).

Sidoo kale waxaa aad loogala socdaa bar-kulanada bulshadu ku kulmaan sida facebook,Twitter,Whatsup iyo Viberka taageerada madaxwaynaha DDSI iyo sida loo soo dhaweeyay sidii geesinimada lahayd ee madaxwayne CMC iskaga celiyay Ginbot 7 iyo Shacbiya kuwaasoo Commentiyadii ugu badnaa laga bixiyay. Socdaalkan ayaa Tub ku wada riday dhamaan Shacabwaynaha DDSI Dal iyo Dibadba taasooy dhamaan Qurbajoogtu si dahab ah ugu soo wada jeesteen Taageerada Xukuumada iyo ka qaybqaadashada hawlaha Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashiga Deegaanka. Dhanka Ginbot 7:- Waxaa u baryay waa Cusub oo Murugo iyo waji-gabax ku abuuray kana daadagi wayday sidii geesinimada lahayd ee uu madaxwaynaha DDSI mudane CMC isaga celiyay Ninkii ay u soo adeegsadeen si uu Videow cay ah uga soo duubo balse isagii madaxwaynuhu ka duubtay waana dhacdo ku cusub Ginbot 7.Ginbot 7 oo in ka 20 sano madaxda Dalka caayi jireen ayaa waxa aad uga cabaadisay in loo jawaabo iyadoona hal kalmad oo uu madaxwaynuhu ku yidhi ay aad uga dhawaaqeen maadaama ay ku cusub tahay oo aanay hore u arkin Qof ka jawaaba caydooda.

Dhanka G7 Telefishanka ESAT:- ayaa Waji-gabax kala kulmay Saxaafada islamarkaana barnaamijyadoodii beenta ahaa ay dhafi kari wayday todobaadyadii ugu danbeeyay sidii ay u falanqayn lahaayeen jawaabta uu madaxwaynaha deegaanku ka bixiyay iskudaygoodii dhicisoobay ee ay madaxwaynaha ku soo qaadeen iyagoona Telefishanka ESAT soo fadhiisiiyay labo nin oo ay ku tilmaameen Siyaasiin waawayn oo looga maarmi waayay sidii ay uga doodi lahaayeen Hal kalmad oo uu madaxwaynuhu wadnaha ku gooyay Ginbot 7 taasoo noqotay hadal haynta iyo doodaha ugu wayn ee todobaadkan iyo kuwa soo socdaba ay sii dayso Telefishanka ESAT.

Isku soo wada duuboo hawlgalkii maraykanka ee Madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisa ayaa noqda kii ugu horeeyay ee Adhaxda ka jabiya Ginbot 7 iyo Shacbiya taageeradii ugu balaadhnaydna ka helaan wadar ahaan Qurbajoogta JDFI ee ku nool Maraykanka,Taageerayaasha iyo Madaxda EPRDF,Safaarada washington,dawlada Federalka iyo Shacabka islamarkaana ay taageeradii ugu badnayd ay isugu soo baxaan soo dhawaynta Madaxwaynaha iyo waftigiisa Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI hal Tub ahna ku soo wada Riday Mucaarid iyo Muxaafidba halka Ginbot 7 iyagana uu arkaan ama tahayba socdaalkani Godkoodii biyo ugu soo galiyay.

ARAGTAYE MAXAAD TARI MA INDHAHAAD WAX KAGA GURI.