Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI oo waraysi Dheelitiran oo Ka Turjumayay Isbedelada Horumarineed Kobaca DhaDoorka maalgashiga Qurbajoogta siiyay Idaacada BBC-da.qaale iyo

Minniapolise(CN) Jimce March.20.2015. labadii todobaad ee ugu danbeeyay ayaa waxaa cariga maraykanka ku sugan wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Si heersare ah oo maamuus iyo wadaniyadina ku dheehanayd ugu soo dhaweeyeen Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku nool Washington iyo Gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada MN taasooy aad uga maqsuudeen Dhamaan shacabweynaha Deegaanka iyo Xukuumaduba sidii Qiimaha iyo kalgacalka wadaniyadeed lahayd ee ay Qurbajoogta Minniapolise kala hor yimaadeen Gagida Caalamiga ee Saint Paul International airport Soo dhawaynta Madaxwaynaha iyo Waftigiisa taasoo laga dheehanayay wajiyadooda shucuurta farxadeed iyo Wadaniyada ay u qabaan madaxwaynaha iyo Xisbiga talada deegaanka haya kuwaasoo madaxwaynaha Tunka ugu Qaateen Raxan Raxan ka koobnaa Guud ahaan Qurbajoogta MN oo ay ku jireen qaar hore u aaminsanaa aragtida UBBO loona sii galbiyay Hotel ku yaala badhtamaha MN.

INtaa ka bacdi Madaxwaynaha DDSI ayaa waraysi aad u dheelitirnaa siiyay Idaacada BBC kaasoo uu kaga hadlay ujeedada socdaalkooda oo ku saabsan Latashiga Qurbajoogta iyo Dhiirigalinta Maalgashiga sharax buuxana ka siiyay wariyaha isbedelada Horumarka aasaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee uu Deegaanku ku talaabsaday sida Waxbarashada,caafimaadka,Reer Guuraaga,Laydhka,wadooyinka iyo Isgaadhsiinta oo ay xukuumadu isbedel la taaban karo ka Gaadhay Sanadihii ay jirtay.

Mar uu wariyuhu waydiiyay madaxwaynaha Doorka Qurbajoogta iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka ayaa uu madaxwaynuhu ku jawaabay:- Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa xukuumad ahaan doorka qurbajootu ka qaadato Horumarka siiba maalgashiga oo kaalin xoogan kaga jira horumarka maanta ka jira Deegaanka kuwaasoo fursado shaqo u abuuray qaar ka mida Shacabka Deegaanka. madaxwaynaha oo sii wata ayaa intaa ku daray in fursadaha maalgashi ee ka jira Deegaanka aad u balaadhan yihiin maalgaliye kastana uu maalgashan karo isagoo ku xisaabtamaya raasamaalkiisa dhaqaale maalgashina ka samaysan karaan dhinacyada beeraha,caafimaadka,waxbarashada,Hoteelada,Ganacsiga iyo Shirkadaha dhismayaashaba taasoo ay xukuumadu ku sii dhiirigalinayso Qurbajoogta maalgashiga Deegaanka.

Mar madaxwaynaha la waydiiyay Arinka UBBO iyo wadahadaladii kenya ayaa uu madaxwaynhu ku jawaabay. madaxwaynaha:- waanu soo dhawaynaynaa wax kasta oo wadahadal dan u ah Shacabka Deegaanka iyo dastuurka Dalka UBBO iyo cidkastana way ogtahay in Itoobiya 100% diyaar u tahay wadahadal waafaqsan Dastuurka Dalka.wuxuuna madaxwaynuhu si cad u sheegay in Dastuurka JDFI Qaadashadiisu tahay muqadas aan lagu gorgortami karin wax kabadalkiisa kaasoo ka dhexeeya dhamaanba qowmiyadaha dalka ee 80ka milyan kor u dhaafaya wadahadal kasta oo la galayana ka bilaabmo qaadashada iyo xagdhawrka dastuurka Dalka.

madaxwaynaha ayaa ku sifeeyay jawaabtii ay UBBO ka bixisay Dastuurka Dalka sida ku cad taasoo ay si cad ugu sheegeen in aynan waligood Qaadanayn Dastuurka Itoobiya khusayna UBBO maadaama aynan itoobiyaan ahayn Dawlada itoobiya iyo deegaankuna dad aan itoobiyaan ahayn ma jirto wax kalifaya wadahadalkooda.

Madaxwaynaha ayaa ku sifeeyay jawaabta UBBO ka bixisay wadahadalka iyo Qaadacaada Dastuurka Dalka Itoobiya ay khidad ka tahay balse xaqiiqdu tahay in aynan UBBO u jeedin Wadahadale ay Cimri dherer ganacsi uga dan leeyihiin si ay indhaha caalamka iyo qurbajoogta u tusaan Wadahadal baanu ku jirnaa maadaama Aynan Gudaha DDSI habayaraatee aynan ka jirin wax UBBO ah si ay Qurbajoogta iyo qaar ka mida wadamada lacag ugaga aruursadaan si ay bankiyada aduunka u dhigtaan ama sida qaalibka ah ay Sharma Sheekh guryo uga dhistaan.

Madaxwaynaha ayaa tibaaxay in Gudaha iyo Dibadaba aysan ka jirin UBBO marka laga rebo Shaqsiyaad ka mid ahaa Janeraaladii iyo saaraakiishii soomaaliya kuwaasoo ka mid ah Qurbajoogta lala kulmayo sida qaar ka mid ahaa UBBO ay maanta ugu soo biireen Horumarka deegaanka.

Madaxwaynaha hadii UBBO uu ka go'an yahay Heshiiska iyo qaadashada Dastuurka islamarkaana u danaynayaan Shacabka Deegaanka iyo Horumarkay gaadheen Toos ayay Addis-ababa uga soo degi lahaayeen lkn Waxaa cad in aynan Saraakiisha Soomaaliya iyo Ciyaalkan Qaxootiga ah aynan Diyaar u ahayn Qaadashada Dastuurkaiyo wadahadalka islamarkaana aynan indha sarcaadin karin dawlada itoobiya oo 300 oo sano soo jirtay. Waa Baryay sacabo laguma qarin karee dhamaanmuuqaalada iyo sida Deegaanku horumarka iyo waxqabad la taaban karo u gaadhay ka dhagayso Videowyada iyo Waraysiyada ku jira.

Isku soo wada duuboo madaxwaynaha ayaa Qurbajoogta kula dardaarmay in Wadahadalada UBBO ay lacagta kaga aruursanayso aynan diyaar u ahayn in ay la galaan Itoobiya balse ujeedadooda ugu muhiimsan tahay sidii ay Qurbajoogta uga dhaadhicin lahaayeen in ay sii jiraan hadal-qaadkoodu waxaana xaqiiq ah in ay Ganacsi isu badeleen.