CIID MUBAARAK



 

      

Booqashada Madaxwaynaha Masar El-Sissi Ee Dalka Itoobiya Waa Natiijada Dibloomaasiyada Lahagaajiyay-Wasaarada Arimaha Dibada ee JDFI.

Addis Ababa(CN) Sabti.Maarso.21.2015, madaxwaynaha wadanka Masar Abdel Fattah El-Sissi ayaa muddo saddex maalmood ah booqasho hawleed ku imanaya dalka Itoobiya laga bilaabo maalinta isniinta ee fooda inagusoo haysa.

Sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee JDFI mudane Tewolde Mulugeta booqashadan hawleed ee madaxwaynaha daka Masar ayaa kamid ah midho-dhalka guulaha Itoobiya ay kagaadhay dhanka dibloomaasiyada, iyadoo ay wakhti fog ugu danbaysay madaxwayne Dalka Masar ah oo booqasho hawleed ugu yimaada dalka.

Mudane Tewold ayaa sheegay in madaxwayne El-Sissi inta uu booqashada hawleed kujoogo Itoobiya in uu lakulmi doono raysal wasaara JDFI mudane Hailemariam Desalegn, madaxwaynaha JDFI Dr. Mulatu Teshome iyo qaar kamida haayadaha diimaha ee dalka.

Madaxwaynaha Masar ayaa kulamadaasi wada tashi kala yeelan doona arimaha kusaabsan xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Masar, Sidoo kale waxaa lafilayaa inuu madaxwayne Abdel Fattah El-Sissi booqdo maalgashiyada ay kawadaan dalka Itoobiya maal qabeenada kasoo jeeda wadanka Masar.

Booqashadan madaxwaynaha Masar ee dalka Itoobiya ayaa ah mid muujinaysa xidhiidhka sii wanaagsanaaday ee labada dal, iyadoo uu hada kahorna yimid wasiirka biyaha iyo macdanta ee Masar, waxyna tani kamid tahay siyaasada iyo dibloomaasiyada caafimaadka qabta ee Itoobiya taasoo soo jiidatay indhaha caalamka.

Kala soco CakaaraNews wararkaanaga danbe ee kusaabsan booqashada madaxwaynaha Masar.