Ramadan Kariim 



 

      

Shirkii ihi-ihi-ihi Caano kadhan ee Wadatashiga Ddsi iyo Qurbojoogta Waqooyiga America oo Soo Si Farxad leh kusoo Gabagaboobay

Minnesota (CN) 23/03/2015 Madaxweynaha Ddsi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Soo gabagabeeyay wadatashiga ahaa ee kasocday Woqooyiga america oo kusoo gabagaboobay si farxad iyo wanaag leh. kaasoo Sacab Iyo Qalbi Furan ku Soo xidhay Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa Uu Hogaaminayay ayaa Jaaliaydda Ddsi Ee Ku Dhaqan Waqooyiga America Aad Ugu Farxay In Ay Caawa Nasiib U Yeeshaan In Madaxweynaha Ddsi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Wafdigiisa Ay ka dhagaystaan warbixinta waxqabadka Horumarineed ee ka taabo galay Deegaanka soomaalida ethiopia.

Madaxweyha Ddsi Ayaa Aad Uga Mahad Celiyay Dhamaan Ka Soo Qeybgalayaasha Shirka Iyo Marti Sharafka Iyo Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka Iyo Dhalinyarada Iyo Regmantiga 31aad Oo Cawa Cashir U Dhigay Xaabxaabkii UBO.

Madxweyaha Ddsi Ayaa Waxaa Kaloo Uu Aad Uga Mahad Celiyay

Dhalinyarada Iyo Gabdhaha Suurta Galiyay Hoolkan Quruxda Badan In Ay Ka Shaqeeyaan Iyo Gudiga Qaban Qaabada Shirka Oo Sida Sharafta Leh Ay U Soo Agaasimeen Shirkan Quruxda Badan ee Looga Arrinsaday Wadatashiga Xukuumadda Ddsi Iyo Qurbajoogta Ddsi 

Madaxweynaha Ddsi Ayaa Soo Bandhigay Waxqabadka Ddsi 3Dii Sano Ee Lasoo Dhaafay iyada oo Natiijo Wanaagsan Laga Gaadhay Natiijooyin fiican oo waxku ool ah.

Hadaba Shirkan Wadatashiga Xukuumadda Ddsi Iyo Qurbajoogta Ku Dhaqan Waqooyiga America Ayaa Noqday Mid Taariikhda Galay Oo aan Abid Horey Uga Dhicin Qurbaha.