CIID MUBAARAK



 

      

Gudiga fulinta ee XDSHSI oo si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay taageerada buuxda ee ay siiyeen XDSHSI, Qurba joogta u Dhalatay DDSI

Jigjiga(CN) Talaado March 24.2015. Gudiga fulinta XDSHSI oo kulan maanta ku yeeshay qolka shirarka ee XDSHSI oo uu hogaaminayay gudoodimyaha XDSHSI mudane maxamed rashiid isaaq ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen taageerada labaadhan ee ay siiyeen xisbiga dhamaanba qurba joogta u dhalatay deegaanka.

Kulankan maanta ayaa uu  ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mudane Maxamed rashiid isaaq oo si mug leh uga warbixiyay sida ay ugu faraxsan yihiin una soo dhawaynayaan qurba joogta u dhalatay deegaanka sida balaadhan ee ay u taageereen xisbiga.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in 4tii sano ee ugu danbaysay in ay Qurbajoogtu safka hore ee horumarka Deegaanka kaalin fiican kaga jiraan iyagoona maalgashi ka samaystay DDSI fursado shaqana abuuray.mudane maxamed rashiid ayaa carabaabay in dhamaan Qurbajoogta ku baahsan 5ta qaaradood yihiin xubno Xisbi oo aad u karti badan iyagoona jaaliyadaha iyo ururada bulshada ee Qurbajoogtu ay sanad kasta si la maida xafladaha iyo Munaasabadaha Deegaanka lagu xusayo ay dhankooda ka xusaan iyagoonan wax kharash ah aan xukuumada soo waydiin.

Xubnahan gudiga fulinta XDSHSI oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI marwo sucaad ahmed faarax, wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta DDSI mudane cabdijamaal ahmed qolonbi, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo majida maxamuud maxamed, hantidhawraha guud ee DDSI mudane aadan kuusaw, wasiirka ka hortaga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir iyo madaxa arimaha siyaasad ee XDHSI cumar maxamuud cabdi.

Masuuliyiintan ayaa ka marag kacay Doorka ay Qurbajoogtu kaga jiraan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban Waxayna, si qoto dheer shaqsi shaqsi uga hadlay dareenkooda ku aadan taageerada balaadhan ee ay siiyeen xisbiga qurba joogta udhalatay deegaanka gaar ahaan kuwa ku dhaqan qaarada ameeriga ayaa si durugsan uga warbixiyay xidhiidhka wagaansan ee ka dhexeeya xisbiga iyo qurba joogta u dhalatay deegaanka kuwaasi oo sheegay in ay ugu mahad celinayaan sida muga leh ee ay u soo dhaweeyeen waftigii uu hogaaminayay madaxwayne cabdi maxamuud cumar iyo taageerada balaadhan ee ay siiyeen XDHSI.

Isku soo wada xooriyoo XDSHSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn ka soo hooyay meelmarinta ka midho dhalinta hirgalinta hayaanka qorshayaasha horumarineed xasilooni, xidhiidhka qurba joogta. Kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha, qalajinta iyo tir tirida saboolnimada iyo jahliga, waana taasi tan maanta keentay in dal iyo dibadba si qoto dheer loo taageero laana garab istaago XDSHSI