Ramadan Kariim 



 

      

War Deg-Deg Ah: Ubay C/laahi Yaasin Badal Iyo Ubay C/laahi Aadan Qardaan Oo Indhaha Loo Shiday.

Kudun-buur(CN) Arbaco.Maarso.25.2015, war hada naga soo gaadhay gudiga xaqiijinta xogaha ee saraakiisha ciidanka gaarka ah ayaa sheegaya in saaka indhaha loo shiday Ubay Cabdulaahi Yaasin Badal iyo Ubay Cabdulaahi Aadan Qardaan.

Sida ay gudigu shaaca uga qaaday shabakada CakaaraNews labadan Ubay oo ahaa hadhaagii masuuliyiin isku sheegta Ubbada gabalkeedu dhacay ayaa waxaa indhaha loogu shiday deegaanka Jugle oo katirsan Kudun-buur.

Waxayna gudigu sheegeen in labadan nin hada kahor loo digay dad badana loo diray in ay nabada qaataan oo ay wadadan shacabka lagu halaagay kasoo laabtaan balse lagu kari waayay, islamarkaana ay maanta indhaha u shideen xooga sida gaarka ah u tababaran ee saraakiisha ciidanka DDSI.

Xubnahan hadhaaga ah ayaa inta badan digniin qaba iyadoo fariimo iyo dad badan loo diro si ay uga bad baadaan in gacan bir ah lagu qabto. Sidoo kale shacabka xoola dhaqatada iyo beeralaydaba ah ee DDSI ayaa iyagu bartilmaameedsada maadaama ay horay uga daaleen dhibkii hore islamarkaana ay horumar iyo isbadal dhadhamiyeen oo ay neecawsanayaan.