Ramadan Kariim 



 

      

Waftigii DDSI Ee Kusugnaa Minneapolis Oo Kasoo Anbabaxay Iyo Waftiga Oo Laba Qaybood Kala Wajahaya.

Minnesota(CN) Jimce.Maarso.27.2015, sida uu kusoo waramayo wariyahayaga CakaaraNews ee Waqooyi Ameerika waxaa galabta wakhtigii Minneapolis laba qaybood isu qaybiyay waftigii DDSI ee kusugnaa Minneapolis oo ay kasoo anbabaxeen islamarkaana kala wajahaya dhinac wadankii iyo dhinaca dalkaas Canada ee waqooyi Ameerika.
Galabnimadii wakhtiga Minneapolis ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar oo ay wahelinayaan madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo maareeyaha wakaalada daraasaadka iyo naqshadaynta DDSI Eng. Zuper Cabdulaahi Axmed ayaa u soo anbabaxay dhinaca wadankii, halka waftiga kale ay wajaheen dhanka Canada.

Wafti uu horkacyo kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiim Cigaal Cumar ayaa u kicitimay magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana waftigan kuwahelinaya wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo kuxigeenka wasiirka qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Khaliif (Dhoonbe).

Waftiga Canada ee kuxigeenka madaxwaynaha ayaa socdaalkooda wadankaasi kula kulmaya qurbajoogta DDSI ee Canada taasoo gogolxaadh u noqon doona socdaalka madaxwaynaha ee Canada.