Waftiguu Horkacayay Madaxwaynaha DDSI Oo Hada Kasoo Dagay Bole International Airport.

Addis Ababa(CN) Isniin.Maarso.30.2015, waftiguu horkacayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo goor dhaw kasoo dagay gagida caalamiga ah ee Bole International Airport ee xarunta dalka.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiinta DDSI oo ay kamid ahaayeen  R.Komishiner ahna kusii simaha komishinerka mudane Maxamed Maxamuud (Qayo), wasiir kuxigeenka wasaarada cadaalada DDSI mudane Axmed Irshaad, Latatliyayaha M/waynaha ee Horumaraka mudane Ilyaas Cumar Ibraahim, iyo xubno kale.

Sida aad horeyba u lasocoteen waftiga uu horkacayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa socdaal hawleed ku joogay waqooyi Ameerika, waxaana halkaasi wali kusugan qayb kamid ahaa waftiga oo wakhtigan shaqooyin koodii kawada wadanka Canada ee waqooyi Amerika kuwaas oo uu horkacayo madaxwaye kuxigeenka DDSI mudane Cabdixakim Cigaal Cumar.