Golaha Dhexe Ee EPRDF Oo Barito U Bilaabanayo Shirkoodii Caadiga Ahaa.

Addis Ababa(CN) Jimce.April.03.2015, Sida aad wararkanagii hore kala socoteen CakaaraNews waxaa xarunta dalka ee Addis Ababa kusugan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Afhayeenka baarlamanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq oo ka qayb galaya shirka EPRDF.

Hadaba golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee EPRDF ayaa waxaa maalinta bari ah u bilaabanaya shirkoodii caadiga ahaa. Shirkan ayuu goluhu kaga hadli doonaa qodobada ay kamidka yihiin waxqabadkii qaybta lasoo dhaafay ee sanadkan 2007.T.I ee xisbiga EPRDF iyo shaqooyinkii dawlada qorsho ahaan sidii ay wax u qabsoomeen.

Golaha ayaa qiimayn doona waxqabadka iyo siduu qorshuhu ahaa miisaaniyad ahaan iyo wax qabad ahaanba iyadoo lasoo qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, miyiga iyo horumarinta magaalooyinka , warshadaha  iyo  sektarada kale ee horumarka aas aasiga ah.

Waxaa kaloo shirkan lagaga wada hadli doonaa arimaha laxidhiidha wareega shanaad ee doorashada dalka iyo qorshihii iyo istaraatijiyadhiii EPRDF iyo sida ay u socdaan ama u qabsoomeen. Sidoo kale wuxuu goluhu si aad ah uga ahdli doonaa islamarkaana jihooyin kasoo saari doonaa mudnaanta dhinacyada wax qabad ee inta kadhiman qorsho sanadeedkan 2007-da ee tirsiga dalka.

Kala soco CakaaraNews Faah faahinta shirka EPRDF ee abrito oo sabti ah ka furmi doona xarunta dalka.