Ramadan Kariim 



 

      

Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham oo Taageeray Shirkii CAANO KADHAN Ee Waqooyiga America iyo Sanadguuradii 4aad Dhagax Dhiga Biyo Xidheenka Abay.

Birmingham (CN) Axad.April.05.2015, Waxaa Magaalada Birmingham Ee Caasimada Labaad Ee Boqortooyada Ee Dalka ingariiska Lagu Qabtay Xaflad Siweyn Loo Soo Agaasimay oo Lagu Taageerayo Shirweynihii CAANO KADHAN Ee Waqooyiga America Lagu Qabtay Iyo Munaasabada Sanadguuradii 4aad Ee Dhagax Dhiga Biyo Xidheenka Abay.

Xafladan Ayaa Waxaa Kasoo Qeybgalay Marti Sharaf Kala duwan Sida Ugaasyada Salaadiinta Culmada Waxgaradka Siyaasiyiinta iyo Haweenka iyo Dhalinyarada iyo Marti Sharaf Kala Duwan.

Ugu Horeyn Waxaa Lagu Furay Sida Caadada Ah Ayadaha Quraanka Kariimka Waxaa laguda Galay Barnaamijka Taageerida CAANO KADHAN Iyo Sanadguuradii 4aad Ee Dhagax Dhiga Biyo Xidheenka Abay Waxaa Ugu Horey Shirka Daahfuray Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Mudane Bashiir Deegaan oo Uga Mahad Celiyay Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham Sida Quruxda Badan Ay u Taageerayaan Shirkii Caano Kadhan Ee waqooyiga America Ka Dhacay iyo Sanadguuradii 4aad Dhagax Dhiga Biyo Xidheenka Abay.

Waxaa Kaloo Halkaasi Siweyn Loogu soo Dhaweeyay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed Qani oo In Mudo Ah Ku Maqnaa Deegaanka Ugaaska ooo Ka Warbixiyay Xalada Guud Ee Deegaanka Ugaaska Uga Mahad Celiyay Jaaliyadda DDSI ee ku Dhaqan Magaalada Birmingham Sida Xilkasnimada Ah Ee daacad Nimada Leh Ay Maanta Xafladan Quruxda Badan Ku Qabteen Magaalada Birmingham oo ay Ku Taageerayaan Shirweynihii Taariikhiga Ahaa Ee Ka Dhacay Waqooyiga America.

Ugaaska Ayaa Jaaliyadda DDSI Ee magaalada Birmingham Kula Dardaarmay in Ay ku Dadaalaan Sidii Ay Deegaan kooda Ay u Maalgashan Lahaayeen Ayna Ka Faaideystaan Fursadaha Maalgashi Ugaaska Ayaa Hadalkiisa Ku Daray in Biyo Xidheenka Abay oo Faaido Weyn ay u Leedahay Deegaanka Taasoo Jaaliyadda DDSI Ee UK looga Baahan Yahay In ay Taageeraan Biyo Xidheenka Abay.

Waxaa Kaloo Halkaasi Kahadlay Sheekh Maxamed Dhayib oo Khudbad Dheer ka Soo jeediyay Sheekh Dhayib Ayaa ilaa 7bo Gobolk oo Deegaanka ka Tirsan uu Booqday Taasoo Ka Warbixiyay Sheekha in Deegaanka uu Amaankiisa iyo Nabadgalyadiisa boqolkiiba Boqol Deegaanka uu Amaan Yahay Sheekha Ayaa Safarkisa Ka Warbixiyay Shacabka Deegaanka oo Ah Shacab Ku Howlan Ganacsi Iyo Hormar oo dhamaan ay hadal Hayaan Hormar uun Taasoo Kasoo Qeybgalayaasha Shirka aad ugu Farxeen Hadalka Sheekha.

Sheekh Dhayib oo ka Tirsan Culmada ugu Waaweyn ee Dalka Ingariiska oo Ka Tirsan Golaha Arrimaha Islaamka Ee UK Sheekha Ayaa Jaaliyadda Kula Dardaarmay in Ay Booqdaan Deegaan Kooda Qofka Aan horey u tagin Waxaa Hubaal Ah in uu Aad u soo Jeclaan ayuu hadalkiisa Kudaray Sheekha Dhayib.

Waxaa kaloo Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Sacdiya Cabaas iyo Ku Xigeen keeda Marwo Fardowsa Suldan Maxamuud Haybe oo lagu Marti Qaaday Kulankan Lagu Taageerayo CAANO KADHAN Ugu Horeyn Waxey u Mahad Celiyeen Jaaliyadda DDSi Ee magaalada Birmingham.

Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya ayaa Dhawaan laga Aasaasay Deegaanka isagoona Dhinacyo badan Wax ka Qabtay Mudadii uu jiray Arrimaha Gargaarka Shacabka Dhanka Biyaha Dhanka Dhaqanka iyo Luqada iyo Wadooyinkaba Waana Urur ka Madax Banaan Siyaasad islamarkaana ka soo askumay Rabitaanka Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka mid Noqoshadiisuna u Banaan tahay Shakhsi kasta oo door bida inuu ka mid noqdo.

Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi ee magaalada Birmingham Marwo Farxiyo C/Qaadir iyo ku Xigeenkeeda Ayaan Aamusane Iyo Waris Ayaa u Mahad Celiyay Marti Sharafka Kasoo Qeybgalay Kulankan Qiimaha Badan oo lagu Taageerayo Shirkii CAANO KADHAN ee Ka Dhacay Waqooyiga America iyo Sanadguuradii 4aad Ee Dhagax Dhiga Biyo Xidheenka Abay.

Waxaa kaloo Halkaasi Ka Hadlay Maxamed Askari oo Sheegay in uu aad ugu Faraxsan Yahay Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham oo is kugu soo Baxay in ay Taageeraan Shirweynihii Caano kadhan Ee Waqooyiga America ka Dhacay Shirka Ayaa Wuxuu Ku Soo Gabagaboobay Jawi Aad u Wanaagsan Waxuuna Ku dhamaaday Farxad iyo Guul iyo Reyn Reyn.