CIID MUBAARAK



 

      

Masuuliyiin Uu Hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Booqday Masaajidka Taariikhiga ah ee Kuyaala Tuulada Darbiga ee Degmada Tuli Guuleed.

Tuli Guuleed(CN) Isniin.April.06.2015, waxaa xaqiiq ah in uu deegaankeenu yahay deegaanka hodan ku ah gooboha taariikhiga  iyo goobo ku haboon dalxiiska soona jiidan kara indhaha caalamka,  si loo soo bandhigo loona dar yeelo goobaha taariikhiga ah ayaa xafiiska xidhiidhka  arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiisku waxa uu bilihii ugu danbeeya qaaday dadaalo lagaga midho dhalinayo qorshayaashasi ku qotoma goobaha taariikhiga ah.

Iyada oo taasi laga duulayo ayaa Masuuliyiin uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka dakhliga DDSI mudane Cabdilaahi Garbo ayaa maanta booqasho ku gaadhay goobo taariikhiya oo uu ka mid yahay masaajidka taariikhiga ah ee ku  yaala tuulada Darbiga oo ka mid ah degmada Tuli guuleed ee gobolka faafan.

Wasiir ku xigeenka xafiiska ariamah dawlada dhaqanka iyo dalxiiska oo kula hadlayay warbaahinta masaajidkan taariikhiga ah ayaa waxa uu sheegay in guud ahaanba deegaankeenu illahay ku manaystay gooboha taariikhiga ah iyo goobaha dalxiiska wuxuna ka warbihiyay ahmiyada ay deegaanka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah iyo in xafiisku dadaalo mug leh ugu jiro sii xoojinta ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo kor u qaadida goobaha dalxiiska.

Wasiirku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in masaajidkani uu yahay masaajid taariikhiya waajibna ay tahay ilaalintiisa iyo daryeelkiisu isaga oo ku booriyay bulshada degan tuuladani darbigu in ay dhankooda ilaaliyaan masaajidkaa.

Masaajidkan oo ah mid ku fadhiya  taariikh facwayn ayaa waxaa la sheegay in la dhisay 400 (afar boqol oo sanno ka hore). Sida ay noo sheegeen  Qaarka mid ah odayaasha waayeelka ah ee ku dhaqan tuuladan darbiga oo  soo abla ableeyay taariikhda masaajidan ayaa noo sheegay in uu yahay masaajid dhisan qarniyo badan.

Markaad aragto dhismaha masaajidan ayaa waxaad garanaysaa in uu yahaya masaajid qariyo hore la dhisay balse aan wax bur bur ahi marnaba  gaadhin oo uu sidii lagu dhisay yahay inkasta oo uu sanadihii ugu danbeeyay xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiisu isha ku yahay ilaalinta masaajidkan oo uu u sameeyay dayku wareegan masaajikan.

Tuuladan uu ku yaalo masaajid taariikhiga ah ee darbiga ayaa waxay kale oo ay leedahay goobo taariikhiya oo ay ka mid yihiin dhismayaal qarniyo badan jiray oo ah guryihii ay galijireen dawyowgii xiliyadii boqortooyada  gaar ahaan dhismaha guri uu  gali jiray boqor xiliyo badan ka arimin jiray aagaasi oo la odhan jiray boqor hoodoon, taasi oo ay booqdeen masuuliyiintii uu horka cayay wasiirku xigeenka xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiisku halkaasi oo aan ku aragnay agabkii xiliyadaasi la adeegsan jiray.