Muwaadiniintii Itoobiya Ee Yaman Oo Dalka Soo Gaadhay Qaybahoodii Ugu Horeeyay.

Addis Ababa(CN) Isniin.April.06.2015, dagaalada kasocda wadanka Yeman awgeed ayaa waxaa dalka dib ugu soo laabanaya muwaadiniinta dalka oo ay dadaal balaadhan ugu jirto dawaladu sidii ay uga gacan qaban lahayd kasoo baqashada dhibaatooyinka kasocda wadankaasi Yemen.

Waxaa maanta dalka soo gaadhay 23 qof oo muwaadiniin ah kuwaas oo markii hore Jabuuti yimid halkaasna maalmo kusugnaa. Masuul u hadlay wasaarada arimaha dibada DFI mudane Tewold Mulugeta ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas darteed ay dawladu dadaal ugu jirto sidii loo caawin lahaa muwaadiniintaas kusugan magaalada Cadan ee Yeman.

Wuxuuna sheegay masuulku in ilaa hada goobaha ay dawladu u tilmaantay iska diwaan galiyeen in kabadan 2 kun oo qof oo Itoobiyaan ah. Waxaana maalmahan soo socda muwaadiniintaas laga caawin doonaa dhanka socdaalista diyaaradaha kuwaas oo dalka imaan doona.

Iyadoo toddobaadkii hore habeenimadii sabtida ay soo gaadheen dadkii ugu horeeyay dalka ayaa waxaa barina lafilayaa  in ay qiyaas ahaan ilaa 50 qof oo muwaadiniin ah ay soo gaadhaan dalka.