Ramadan Kariim 



 

      

Golaha Guurtida DDSI Ee North America Oo Taageeray Jaaliyada Dhawaan Laga Yagleelay Cariga Maraykanka.

Minnesota(CN) Isniin.April.06.2015, waxaa maanta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kulan kuyeeshay maamulka jaaliyada DDSI ee wadanka maraykanka iyo golaha guurtida dhaqanka DDSI ee North Amrica, kulankaas oo ahaa si ay isula jaan qaadaan maamulka jaaliyada iyo odayaasha dhaqanka ee kunool North America iyo sidii ay ukala war qaadan lahaayeen.

Gudoonka maamulka jaaliyada ayaa waxuu odyaasha dhaqanka u soo bandhigay qorshyaasha shanta sano ee soo socota ay qabanayso jaaliyadu iyo waxyaabaha muhiimada lasiin doono.

Dhanka kale odoyaasha dhaqanka ayaa si cad u sheegay in ay garab taagan yihiin maaulka jaaliyada iyo hogaanka xisbigaba waxayna balan qaadeen inay hiil iyo hooba lagarab istaagi doonaan.

Gabagabadii golaha guurtida ee DDSI North America ayaa si buuxda u taageeray maamulka jaaliyada iyo hogaanka xisbiga North America ee DDSI.