Maareeyaha Kulliyada Tababarka Macalimiinta Ee Dr.Cabdul Majid Oo Sheegay Inuu Sii Dardargalinayo Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay.

Jigjiga(CN) Khamiis.April.09.2015,Maareeyaha kulliyada macalimiinta Dr.Cabdul Majid Xuseen mudane Maxamuud Axmed Nuur oo dhawaan loo magacaabay xilkan cusub ayaa mar ay shabakada Cakaaranews ka waraysatay kuliyada  waxaa uu sheegay in uu sii dardar galin doono hawlihii shaqo ee kuliyada.

Mudane Maxamuud Axmed ayaa sidoo kale sheegay inuu dhawaan kahawl galayo sidii loo laba jibaari lahaa wax qabadkii ay kuliyadu kujirtay islamarkaana uu xilka loo idmaday sida ugu haboon waajibaadkeeda u dar dar galin doono.