CIID MUBAARAK



 

      

Ogaysiis: Dhamaan Jaaliyada Sweden Ka Soo Qayb’gal Shir Kadhici Doona Magaalada Linkoping Ee wadanka Sweden.

Linkoping(CO) Axad.April.12.2015, Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa jaaliyada ku dhaqan wadanka Swedan gaar ahaan magaalada Linkoping  ee u dhalatay DDSI  in ay ka soo qaybgalaan shir muhiim ah oo ka dhicidoona wadanka swedan magaalada Linkoping.

Shirkan oo ah Caano Ka-dhan qaybtiisii 2aad ee wadanka Swedan gaar ahaan magaalada Linkoping  ayaa waxay jahliyadu ku qorfayn doontaa sii xoojinta iyo karaar galinta arimaha horumarka nabadgalyada, isku xidhka jahliyadaha u dhalatay deegaanka ee ku dhaqan wadama swedan.

Haddaba shirkani waxa uu dhacayaa 25. 04. 2015 oo ku beegan maalin Sabtida, saacaduna waa 3:00 galabnimo waxaad  kala soo xidhiidhaan wixii faah’faahina telka:-00,46700364182 gudoomiyaha jahliyada Linkoping ee wadanka swedan mudane  Yaasiin Sheikh Rashiid iyo telka;-00,46762065655 Cabdirisaaq.