Maqaalka: Qebridahare Xeeryihii ciidamada laga soo dhaxlay dawladii hore, oo ay dawladan itoobiyadda cusubi, udhalan ragtay goobo waxbarasho (kuliyaddo iyo jaamacaddo).

Jigjiga(CM) Talaado.April.14.2015, maqaalkanuu ciwaankiisu yahay "Kaaf iyo Kala dheere" oo ku qotoma dulucda ah Qabridahare Xeeryihii ciidamada laga soo dhaxlay dawladii hore, oo ay dawladan Itoobiyadda cusubi, udhalan ragtay goobo waxbarasho (kuliyaddo iyo jaamacaddo), Maqaalkan oo uu barta CakaaraNews kusoo diray muwaadin u dhashay DDSI mudane Axmed Deeq Xuseen oo ah qoraaga maqaalkan ayaa ku bilaabay sida tan:

Hordhac:  

Sida lawada ogyahay Qebridahare waa magaalo kamid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee DDSI, laguna xusuusto ama can ku ah xeeryo ciidan ilaa iyo xiligii gumaystigii reer yurub ee talyaaniga  oo ka sameeyay xeraddii ciidan ee oogu horaysay taarikhdu markay ahayd 1931, una aqoonsaday xero ciidan “maliatary garrison; described as soldiers camp” ulana jeeday fadhiisin ciidan ama xerro ciidaan, sidoo kale dawladihii kadambayay ee itaabiyaddii hore sidii Boqortooyaddii xaylesalaase iyo dawladdii Dergiga ay u ahaanjirtay fadhiisinka ciidamada deegaanka kahawl gali jiray; taas oo u lahayd ahmiyadad wayn dhanka ciidanka madaamoy Q/dahar ku taallo meel dhex badhtan u ah dhamaan gobaladda deegaanka oo dhan ayna u sahlaysa insidhibyar loo gaadho gobaladda kale duwan.

Sidaasna ay Q/dahar ku ahaan jirtay taliska guud ee ciidamadda milatariga deegaanka soomaalidda kahawl gala, ilaa iyo intii ka horaysan dawladdan wakhtigan xaadirka ah ka arimisa dalka Itoobiya oo qaadatay taabayoow iyo siyaasad kaduwan kuwii dawladdiihii hore, ahmiyaddana saartay dhanka hormarka kaabayaasha dhaqan-dhaqaale, waxbarashada, caafimaadka dadka iyo xoolahaba, iyo biyaha. kuna shaqaysa qorshayawga hormarineed ee hiigsi dheer sida MDG, PESDAP, SPM, GTP 1&2, kuna salaysan kajawaabista baahidda shacabka lagana duulayo kolba siday ukala horeeyaan oguna kala muhiimsan yihiin shacabka (priority).   

Waxaa la saadaalin karaa sababaha ay u noqotay magaaladda Q/dahare milatari stratiigi in ay ku taallo dhex badh tamaha deegaanka oo gobalada kale deeganka ay inta badan xuduud la leedahay taas oo sahli karta in ciidamadu si fudud kugaadhi karaan gobaladda iyo magaalooyinka deegaanka. Sidoo kale waxaa meesha iyana ka cad go’aankii xukumdda DDSI in jaamacadda labaad ee deegaanka lagadhigo Q/dahar ay oogu danaysay ardayda deegaanka dhamaan; si ardayna uusan dhib umadanin dhanka dhawaansha maadaamoy Q/dahar dhex u tahay dhamaanba gobaladda deegaanka, si fududna ay ardaydu ku soogaadhi doonan waxbarashaddooda, si fududna ay kulaabaan karaan guryahooddii markay tagayaan sida fasax sanadeedka ardayda jaamacadda.    

Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki kujirin in xeryahii ciidankee fara badnaa ee magaaladda Q/dahare ay dawladda fedaralka iyo DDSI ay go’aan sadeen in loo dhalan raggo (transform) goobbo hormarineed iyo waxbarasha si garaad shacabka xoola dhaqatadda ah loo dhiso ayna noqdaan kuwa yeesha aqoon waxbarasho, wax soo saarna yeesha, taas oo ah mida kaliya ee lagaga bixi karo saboolnimadda oo ah cadawgeenna kobaad.  

1993 isbadalkii siyaasadeed ee kuyimid dalka itoobiya afkana ciidda loo daray maamulkii cadaadiska ee dhargigii, dhalatayna dawlad cusub oo ku salaysan diimuqraadii iyo fadaraalism aasaasna u yahay qoomiyad iyo shucuubaha kala duwan ee reer itoobiya, laguna haggo tastuurka qaranka kaas oo simay dhamaanba xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinta reer itoobiya, isla mar ahaantaasna lagu askumay sagaalka dawlad deegaaneed iyo labada maamul magaalo ee (Addis Ababa iyo Dire Dawa), oo ah mida dawladda diimuqraadigga fedaraalka itoobiya ay ka askuman tahay oo dawladda deegaanka soomaalidu mid ka tahay.

Waxaa kaloo iyana aan la hilmaansanayn in ciidanka  difaaca qaranka iyo ciidanka gaarka ah ee DDSI Liyuu Boolisku meel saareen dhaq-dhaqaaqi hogaamin, dhaqaale, iyo hubaysane ee  kooxaha nabaddiidka (UBBO kuna can baxay dhaca, boobka iyo dilka shacabka rayadka ah deegaanka), kuna guulaysteen sugidda amniga deegaanka dhamaan; khaasatan aagagii ay aadka ugu ragaadiyeen oo ay Q/daharna kamid ka ahayd.

Waxaan mugdi kujirin in dawladda fadaraalka iyo dawladda deegaanku ay ahmiyad siinayaan barnaamijyadda  hormarka sida hormariinta waxbarashadda ee jiilasha soo kacaya (invest human resource capital), si loo hello cudud waxbaratay oo yeelatada wax soosaar dhaqaalle, jahligana looga baxo, taas oo ah takaliyee lagu gaadhi karo hiigsiga dheer iyo yoolasha hormarineed ee uyaalla dawladda fedaraalka iyo DDSI ayna tahay midda maanta sababtay in Q/dahar loo dhalan raggo magaallo waxbarasho iyo hormarineed, waana ujeedada loo dhagax dhigay jaamacadda Q/dahare oo kamid noqonaysa jaamacaddaha jira dalka itoobiya.

Waxaa xusid mudan kuliyada caafimaad, kuliyadda macalimiinta iyo kuliyadda farsamadda ee Q/dahar kuwaas oo ah mashaaricda waawayn ee ay ka hirgalisay dawladda DDSI, waana midda ka dhigtay in xeryihii ciidamada ee laga dhaxlay dawladiihii hore in laga dhiggo jaamacad iyo kuliyaddo waxbarasho dhamanna ay soo saari doonnaan jiilal leh waxbarasho, helana ilayska aqoonta, kana samatabaxa jahligii iyo mugdigii ay kusoo jireen jiilashii hore shacabka DDSI.

Duluc:-

Sikastaba ha ahaatee waa maalin taariikhda gashay  kawda (1), bisha Miyaaziya 2007 TI.   ama sagalka (9), bisha April, 2015 G.c. kuna aaday maalintii dhagax dhigga jaamacaddii labaad ee DDSI, lana dhagax dhigay jaamacadd Qebri Dahare (Kebri Dahar University), dhagax aasaaskana ay  dhigeen masuuliyiin sar sarre oo ka socday dawladda feredalka iyo DDSI ooguna horeeyaan ku-xigeenka raysal wasaaraha dalka mudane Dhamaqe makonin iyo madaxweynhada DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, sidoo kale waxaa madashaa dhagax dhigga goob joog ka ahaa gudiga fulinta XDSHSI, golaha cabinetka iyo wasiirada DDSI, dhamaan maamuladda Gobalada, dagmooyinka, hogaaminta dhaganka, culumo awdiinka, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada, Qurbajoogta, hooyooyinka, iyo guud ahaan shacabka DDSI, shacabka gobolka  Qoraxay oo fursad u helay in ay goob jog u ahaadaan dhagax dhigga jaamacadda Qebri Dahare (Kebri Dahar University).

Waxaa kaloo xusid mudan in ay jiraan mashaariic kaloo waawayn lagana fulin doonno deeganka sida warshad sonkorta ee magaaladda Goday, jidka isku xidha Godey iyo far-fer oo laga dhigayo laami (asphalt road), biyo xidheenka wayne xamarro oo laga dhalin doonno quwadda korantada iyo kuwa kaloo badan. 

Waxaa kaloo meesha iyana kabaxay aragtiddii guracnayd ee gumaystayaashii reer yurub kaga tageen deegaanka kuna magacaabi jiray (Reserve area or Dispute area), ulana jeedeen dulkii kaydka ahaa “yaaynu kayd u ahayn ?”, iyo dhulkii muranku ka taagnaa ee itoobiya iyo soomaaliya isku haysteen, taas oo ahayd iyana aragti gaaban oon meelna haysanin. Waxaa yeelay deegaanka soomaalida itoobiya wuxuu ka taariikh wayn yahay taariikhda dalka soomaaliya; Tusaale ahaan dib hadaan ujaleecno taariikhda Dalka soomaaliya wuxuu ka xoroobay gustayaashi reer yurub 1960 G.c. lakin deegaanka soomaalida itoobiya wuxuu kamid noqday dalka itoobiyaa 1954 G.c. kaas oo ku salaysna rabitaanka shacabka deegaanka marka nin aan ka taarikh horeeyay  ama ka taariikh waynahay sheegashadiisu waa arin jabnay.    

Aragtiyaddii kale iyaguna guracnaa iyo sabab kadhigashaddii xoogagii nabadiidka ahaa sida UBBO in hormar iyo waxbarasho toona aysan ka jirin deegaanka ayna ku doodayeen si ay oogu beer laxawsadaan dadka soomaalida ah ee caalamka ku kala dhaqan, kagana dawarsadaan in ay taageerro kaga helaan, iyaduna waxay noqotay arin ay dib ogu  uliqaan candhuuftoodi, waa baryayna sacabo laguma qarinkaro caalamka iyo dadka ku hadla af-soomaaliga meelkastoo ay joogaan marag iyo markhaatibay kayihiin hormarka iyo nabadgalyada taala gayiga dawlad deegaanka soomaalidda itoobiya, mudanna ku dayasho.

waxaa lawada ogyahay oo cidna daah kasaarayn in wakhtiyada qaar kood ay aad u adkayd iskadaa jaamacadda ardayda reer itoobiyoo dhan ka iman doonta aydhigan doonaan ee in laga dhiso dugsi hoose ay aad u adkayd amniga darro jirtay owgeed, balse maanta waxaa laqabaa kalsoonida jaamacad laga dhisayo Q/dahar; ardayda itoobiyoo dhanna laga keeni doonno waxna kabaran doonaan, wana guul laga gaadhay dhanka amniga.

Doodi kama taagna sida dawladda fedaralka iyo DDSI iyo shacabka deegaanka uga midaysan yihiin hormarka iyo nabadgalyada deegaanka, layskana kaashanayo danaha shacabka deegaanka, wana arin biyo kama dhibcaan ah sida shacabku oogu qanacsan yahay, ooguna faraxsan yahay, ooguna kolsoon yahay nabadgalyadda iyo hormarka baaxadda balaadhan e dawladdu ka waddo deegaanka guud ahaanba. Waad arkaysen masuuliyiintii ka hadashay munaasabaddii dhagax dhigga jaamacad Q/dahar; sida ay ooga midaysnaayeen aragtida iyo fariintii laga siday raysul wasaaraha in shacabka deegaanku nabaddooda ilaa shadaan, hormarkana ka shaqeeyaan garabna istaagaan dawladda DDSI iyo hogaamintoodda.

Waa dhacdo taakhida gashay, in xeryahii ciidan ka loobadalo jaamacad caalami ah, mahaddaasna ilaahaybaa leh iyo masuuliyiinta dadaalka dheer u gashay ee dawlada fedaralka ah iyo tan DDSI in ay shacabkooda kaga samato bixinayaan jahliga iyo mugdigii ay ka soo dhaxleen dawladdii hore sida dargigii kaligii taliyihii mingustu hailemaryam iyo haylesalaaseba.

Sida aad wada ogtihiin intii ka horaysay dawladdan hatan ka arimisa dalka itoobiya, ardayda deegaanka soomaalidda  fursad oo maysan helijirin in ay dhigtaan dugsi sare, fasalka oogu sareeya ee dhamaan gobaladda iyo magaalooyinka deeganka kajiray wuxuu ahaa fasalka 8 aad; ardayga qaata imtixaanka 8aad ee ministariga, majirin meel kaloo wax barashaddii ka siiwataan, halkaasna oogu dambayn jirtay waxbarasho, kii reerkoodu hanti lahaayeen laga yaabaa in uu Harar utaggo dugsi sarre; taas oo ardayda iyo waalidkaba ay dhib badan kala kulmi jireen dhaqaale ahaan in lagu biilo Harar, ardayda dhigata dugsiga sarre ee Harar, rajjo fiicanna oo mustaqbaleedna uusan iyana jirin.

Gunaanad:-

Shaki kumajiro in dhacdadii dhagax dhigga jaamacadda Q/dahar ay ahaayd guul waxku ool ah fariinna ay u tahay cidkasto lid ku ah hormarka iyo nabadda kajirta DDSI.          

Waxaa kaloo iyana meesha aan ka madhnayn doorashooyinka dalka itoobiya oo wakhtigooddii dhaw yahay in xukumadda DDSI iyo xisbiga talada haya ee XDSHSI, ay utahay fursad wayn kuna kasban karaan kalsoonidda iyo taageerada shacabka deegaanka mashaaricdan hormarineed ee aad ka uwaawayn sida warshadda, jaamacadda, jidadka iyo kuwa kaloo badan halkanna aan lagu koobi Karin, amaanka laysku halayn karo ee shacabka deegaanku maanta ku naaloonayan.

Inkastoo dawaladdu, xisbiga talada haya iyo hogaamintuba kudadaalayaan sidii hormarka deegaanka loo wada gaadhsin lahaa, waxaan indhah laga qarsankarin baaxadda balaadhan ee deegaanka soomaaliddu leeyahay iyo khayraadka aan haysanno oo iska cayiman waloow hormarku xawli badan ku dhaqaaqay muddo gaaban gudaheed, hadana waxaa laga maar maan ah kolba sida oogu haboon ee loo dhamaystiri laahaa hawlada hormarka in dawladda DDSI, shacabka oo qorba joogtuna oogu horayso in layska kaashaddo, isku fikir iyo jahooyin midaysan oo hormarineed iyo nabad galyaba laqaatoo, shaqsiyaadka war xumo tashiilka ee dawladdaa iyo shacabkeedda beenta iyo borobagaandada ka dhex mushtaraya, si isku duubanna gaashanka ogu daruurnaa dal iyo dibadba; sida kuwa hormar diidka, nololdiidka iyo nabad diidka ah kumana jiraan maslaxadda iyo jiritaanka shacabka deegaanka.   

Waxaa aad loo filayaa in masharicda waawayn e deeganka laga fulinayo sida warshadda iyo jamacadda iyo wadoonka waxbadan kaqaban doonan dhanka waxbarashada, dhaqan dhaqaale iyo hormarka shacabka deegaanka gabi ahaanba, wana wax aad loogu farxo lana soo dhaweeyo laguna taageeroo dawladda iyo masuuliyiinta juhdi badan ogujirta siday shacabkoodda hormar iyo nabadgalyo waarta ugaadhsin lahaayeen.            

By: Ahmed Deeq Hussein, independent analyst.

Fadlan haddii aad qabto wax su’aal ah ama faahfaahin ah oo ku saabsan qoraalkan, waxaad igala soo xidhiidhi kartaa emalka: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.