CIID MUBAARAK



 

      

Ururka SEDYO Sweden Oo Yeeshay Kulan Ay Ku Taageerayaan Shirwaynihii Caano Kadhan iyo Qorshaha GTP2.

Goteborg(CN) Arbaco.April.15.2015, sida aad wararkayagii hore kala socoteen CakaaraNews waxaa iskadaba dhacaya taniyo intii uu madaxwaynuhu gaadhay dalka dibadiisa shirar iyo kulamo badan oo ay yeelanayaan qurbajoogta DDSI ee kusugan dalalka qurbaha kuwaas oo lagu taageerayo shirwaynihii Caano Kadhan ee kadhacay Waqooyi Ameerika dhamaadkii bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Hadaba ururka dhalinyarada SEDYO Sweden ayaa dhawaan kuyeeshay shir taageero balaadhan ah caasimada labaad ee wadanka Sweden kaasoo lagu taageerayay shirkii Caano Kadhan ee Minneapolis iyo mashaariicda GTP2 ee qorshaha shanta sano wareegiisii labaad.

Xubnaha ururka ayaa dhamaan halkaasi ku xaqiijiyay isbadalka iyo guulaha ay xukuumada DDSI kasoo hoyisay dal iyo dibadba iyagoo sigaar ah carabka ugu dhftay Shirkii Caano Kadhan ee Waqooyi Ameerika ka dhacay 23 bishii Maarso 2015.

Guddomiyaha Ururka SEDYO Sweden mudane Maxamed Sheekh Xasan (Huways) oo halkaasi khudbad dhiiri galin ah kasoo jeediyay ayaa sheegay in sidoo kale ay taageero kal iyo laab ah lagarab taagan yihiin kana qayb qaadan doonaan wareega labaad ee  qorshaha shanta sano ee deegaanka iyo dalkaba.