Ramadan Kariim 



 

      

Xaflad Balaadhan Oo Lagusoo Dhawaynayay GTP2 Iyo Casho Sharaf Lagu Casuumay Madaxwaynayaashii Hore Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Jimce.April.17.2015, xaflad taariikhi ah oo si meeqaan sare leh loo soo agaasimay laguna gorfaynayay qorshaha isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha ee shanta sano islamarkaana casho sharaf loogu casuumay madaxwaynayaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa caawa kadhacday barxada wayn ee guryaha martida Qaryaan Dhoodaan.

Taasi oo ay ujeedadeedu ahayd mid loogu diyaar garoobayay hirgalinta qorshaha GTP2 , soo bandhiga waxqabadkii qorshihii GTP1 iyo in lagu sharfo xafladan madaxwayne yaashii hore ee soo maray deegaanka oo ay madasha xaflada joogeen ilaa 7 madaxwayne oo hore u soo maray deegaanka iyo madax badan oo kuxigeeno madaxwayne iyo xilal sareba soo qabtay.

Xafladaasi oo ay soo diyaarisay xukuuamda DDSI ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha baaarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha capinetka,  golaha wasiirada DDSI, madaxwaynayaashii hore ee deegaanka, musharaxiinta XDSHSI, odayaasha dhaqanka deegaanka, qurbajoogta, kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI  iyo waliba marti sharaf kale.

Xafladan ayaa waxaa ugu horayntii laga soo jeediyay waxqabadka xukuumada iyadoo si cad loogu soo  bandhigay dukumantiri filimyo ka warbixinaya qorshayaashii horumarineed qaabkii loo dajiyay iyo waliba habkii cilmiyaysanaa ee loo fuliyay gaar ahaan dhinacyada wax ka qabka jidadka isku furka gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee  kala xidhnaan jiray, dhinaca biyaha, caafimaadka, waxbarashada, wax soo saarka beeraha iyo guud ahaanba kor u qaadida koboca dhaqaalaha DDSI.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo jeediyay xafladaasi khudbad nuxur badan xanbaarsan wuxuuna sheegay in xafladani tahay mid loogu diyaar garoobayo hirgalinta qorshaha GTP2  dibna loogu milicsanayo qaabkii loo hirgaliyay qorshihii hore ee GTP1 iyo in waliba lagu maamuusayo madaxwayne yaashii hore ee soomaray deegaanka oo uu madaxwaynuhu sharaf iyo ixtiraam u soo jeediyay, isagoo waliba carabka ku dhuftay in ay yihiin aas aasayaashii XDSHSI islamarkaana ay mudanyihiin in wanaagii ay soo qabteen looga mahadceliyo.

Khudbadaas madaxwaynaha oo aan halkan lagusoo koobi karin dareenka wayn ee ay xanbaarsanayd ayaa waxaa dhamaan ay wadnahooda taabatay madaxdii iyo marti sharaftii xaflada oo kadheehanayay bisayl iyo wax aan horey looga baran deegaanka taasoo ahayd in madaxdii hore aan la ixtiraami jirin oo midba midka kale dhanka xun uun ka eegan jirtay.

Wuxuuna, madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar si qoto dheer uga hadlay in madaxwayne yaashii hore ay inaga mudan yihiin xurmo, islamarkaana ay tahay in wanaaga la iska kaashado wax kastana khibrad laga qaato oo loo baahanyahay in laga guulaysto cadawgeena kaliya ee ah saboolnimamada.

Wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyay guulaha 5tii sano ee ugu danbaysay ay xukuumadu ka soo hoysan dhinacyada horumarka, nabadgalyada, xidhiidhka dadwaynaha dal iyo dibad. Isaga oo madaxwaynuhu  hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in nabaglayada deegaanka 100% ay taam tahay oo ay shacabka DDSI nabad ku caano maalaan.

Madaxwayne yaashii hore ee deegaanka oo xafladan casho sharafta  goob joog ka ahaa ayaa waxay kala ahaayeen mudane Axmed Makaahiil, mudane Ciid Daahir Faarax, mudane Khadar Macalin, mudane Cabdirashiid Duulane, mudane Cabdi Jibriil, iyo mudane Daa’uud Maxamed Cali oo dhamaantood ka soo jeediyay xafladaasi khudbado dhaxal gal ah oo dhaadheer dhicayo badana taabanayay. Sidoo kale waxaa madaxdaasi hore kamid ahaa oo xafladan taariikhiga ah kasoo qayb galay Mudane Mahdi Ayuub, mudane Ca/raxmaan Bade, mudane Diiriye oo isagu caawa halkaasi warbixin mug wayn kufadhiday kasoo jeediyay sooyaalkii iyo waxyaabihii kasoo qabsaday wakhtigaasi.

Waxaana ugu horayntii kahadlay oo khudbad dareen iyo shuucuri ku dheehantahay kajeediyay madasha mudane  Axmed Makaahiil oo ay hadaladiisii kamid ahaayeen " Waa Ilaahay mahaddii, waxaan aad ugu faraxsanahay oo ay caawa xafladani kaga duwantahay xafladihii abid soo maray deegaanka maadaama ay caawa wada joogaan oo ay kasoo qayb galeen madaxwaynayaashii hore islamarkaana ay siwada jir iyo midnimo leh isu waayo aragsanayaan sidii loo sii wadi lahaa isbadalkan horumarineed ee aan la inkiri karin" Taasoo uu mudane Axmed Makaahiil sharafteed iyo isu keenideedaba uga mahadceliyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Iyadoo aad khudbadahaasi dhaxal galka ah ee waayo argnimadu ku dheehantahay ay ka heli doontaan wararkanaga danbe ee CakaaraNews islamarkaana aad si mug buuxa leh uga daawan doontaan telefeeshinka caalamiga ah ee deegaanka ee ESTV, ayaa waxay intaasi kamid ahayd qayb kamida khudbadii mudane Axmed Makaahiil iyo kuwo kale oo aad wada arki-maqli doontaan waxyar kadib hadii hadii Eebe raali kanoqdo.

Iskusoo wada duuboo, waxaa warbixino cilmiyaysan iyo khudbado dhaadheer oo asal ah kadib halkaasi kasoo baxay in qorshihii GTP1 lagu guulaystay oo ay xukuumada DDSI qabatay waxqabad cad oo lataaban karo cidina aysan iska indha tirikarin, iyadoo gunaanadku ahaa in lasii wado isbadalkan xawliga ah ee horumarineed oo la iska kaashada horumarka deegaanka iyo GTP2. Sidoo kale in lasii wado ka go'naanshaha aragtida shacabka leh ee XDSHSI oo waxqabadkan kumudan guusha doorashadan iyo kuwo kaleba.