CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynayaashii Hore Ee Deegaanka Oo Bogaadiyay Isbadalka Horumarineed Ee Deegaanka Wakhti Xaadirkana Dhex Mushaaxaya Caasimada Jigjiga Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Sabti.April.18.2015, Sida aad xalay wararkayagii kala socoteen shabakada CakaaraNews waxaa xalay kadhacay magaalada Jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee Qaryaan Dhoodaan xaflad taariikhi ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasoo lagu casuumay madaxwaynayaashii hore ee deegaanka islamarkaana lagusoo dhawaynayay GTP2.

Hadaba xafladaasi xalay oo ay madaxwaynayaashii hore khudabado dhaxal gal ah kasoo jeediyeen laguna gun dhigay in lasii wado isbadalka dhinac walbo leh ee horumarineed sidoo kalena lagusoo dhaweeyay wareega labaad ee qorshaha isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha ee deegaanka iyo dalkaba kadib ayaa waxaa maanta ay indhahoodu aad ula dhaceen isbadalka kamuuqda deegaanka gaar ahaan caasimada Jigjiga madaxwaynayaashii hore ee deegaanka oo maanta dhex mushaaxayay caasimada.

Madaxwaynayaashii hore ee degaanka  oo kala ah mudane Axmed Makaahiil, mudane Ciid Daahir Faarax, mudane Khadar Macalin, mudane Cabdirashiid Duulane, mudane Cabdi Jibriil, iyo mudane Daa’uud Maxamed Cali ayaa aad u bogaadiyay isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga hirgalay guud ahaanba DDSI. Sidoo kale madaxwaynayaashii hore ayaa madaxwayne Cabdi Maxamuud uga mahadceliyay bisaylka siyaasadeed iyo guud ahaanba heerka aan maanta gaadhnay oo lagu tilmaamay inay tahay ugub iyo markii ugu horaysay ee abid ay hal meel isugu yimaadaan madaxwaynayaashii hore oo ay horumarka deegaankooda kawada shaqeeyaan.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ay sharaf iyo ixtiraamba mudan yihiin madaxwaynayaashii hore ee deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay yihiin kuwii aas aasay XDSHSI islamarkaana loo baahanyahay in guud ahaanba qorshaha GTP2 iyo horumarka deegaanka laga sii wado halkiisii.

Mar ay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynayaashii hore ee Deegaanku ay kawada qax-waynayeen mid kamida maqaaxiyaha shaaha macaan ee ay bulshadu sida asalka ah ugu kulmaan ayaa halkaasi ay kudhex martay isu xog waran ay farxadi kudheehantahay.

Madaxwaynayaashii hore ee deegaanka oo haatan kusugan xarunta deegaanka ee caasimada Jigjiga ayaan dib idiin kasoo sheegi doonaa khud badahoodii iyo sida ay u bogaadiyeen isbadalka deegaanka iyadoo aad goor dhawna ka daawan doontaan khudbadahoodii xalay ee dhaxal galka ahaa ESTV.