Ramadan Kariim 



 

      

XDSHSI oo Tababar u Furay Musharaxiinta XDSHSI ee u Tartamaya Doorashada Fooda Inagu Soo Haysa.

Jigjiga-Q/Dhoodaan(CN) Axad.April.19.2015, XDSHSI ayaa manta waxa uu tababar u furay dhamaan musharaxiinta XDSHSI ee u tartamaya doorashada ka dhicidoonta bisha fooda inagu soo haysa guud ahaanba dalkeena Itoobiya.

Tababarkaasi oo ay ujeedadiisu tahay in fahan durugsan laga siiyo musharaxiinta DXSHSI nidaamka anshaxa doorashooyinka xisbiyada siyaasadeed, xeer hoosaadka XDSHSI, barnaajidka siyaasadeed ee XDSHSI iyo waliba cashiro kale oo la xidhiidhka hanaanta doorashooyinka.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI mudane Cumar Maxamed oo tilmaan dheer ka bixiyay ahmiyada uu tababarka u leeyahay dhamaanba xubnaha musharaxiinta ee XDSHSI wuxuuna sheegay in mudada uu tabarkani lagu qorfayndoona cashiro badan oo gashi u noqonaya dhamaanba musharaxiinta XDSHSi.

Tababarkaasi oo hadda ka socdo hoolka shirarka ee qayraan oo ay daadihinayaan masuuliyiinta sare ee XDSHSI ayaa wararkayaga denbe aan idiinku soo tabin doonaa wixii ka soo baxa.