Madaxwaynaha DDSI Oo Tababarkii musharaxiinta XDSHSI u Soo Bandhigay Maanta Sooyaalkii Taariikheed iyo Isbadaladii Siyaasadeed ee XDSHSI iyo Guud Ahaanba Deegaanka.

Jigjiga(CN) Axad.April.2015, Sidaad wararkayagii hore kula so socoteen waxaa maanta tababar u furmay musharaxiinta XDSHSI ee u tartamaya doorashada ka dhicidoonta dalkeenta itoobiya bisha fooda inagu soo haysa.

Madaxwaynaah DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa  maanta galinkii danbe waxa uu u soo bandhigay musharaxiinta XDSHSI warbixint dheer oo ku sal go’an soonyaalkii taariikheed ee uu soo maray XDSHSI iyo guud ahaanba isbadaladii siyaasadeed ee uu deegaankeenu soo maray.

Wuxuuna, madaxwaynuhu sharax guud ka bixiyay hagar taamooyinkii iyo dhibaatoyinkii ay shacabka dalkeena itoobiya ku soo hayn jireen xukuumadihii boqortooyadii iyo kalidii taliskii taasi oo uu sheegay madaxwaynuhu in deegaanka soomalida itoobiya ahaa xiryo mila tari oo kaliya balse aanu ka jirin wax horumar ah islamarkaana la duudsiyay shacabka xuquuqihii ay ku lahaayeen.

Waxaa kale oo uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ka warbixiyay markii ay curatay itoobiyada cusubi ee xukunka laga tuuray kalidii taliskii dhergiga ay deegaanada kale ee dalkeenu si habsamiya uga faa’iidaysteen xuquuqihii horumarineed nabadgalyo  ee uu siiyay dastuurka JDFI balse uu deegaankeena habsaamiyay maamuladii xiligaasi iyo ururo nabad diid oo naafeeyay horumarikii ay helilahaayeen shacabka deegaanku.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu si qoto dheer ugu nuux nuuxsaday isbadaladii siyaasadeed ee uu soo maray XDSHSI iyo heerka uu hada taagan yahay iyo waliba barnaamijyadiisa iyo istaraatijiyada horumarineed, siyaasadeed, dhaqaale ee uu hiigsanayo XDSHSI.

Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu sheegay in jihooyinka siyaasadeed ee XDSHI ka mid yihiin hirgalinta horumar balaadhan oo waara soo noqodna lahayn si loo qalajiyo saboolnimada iyo jahliga kaasi oo ay hirgalintiisa ku salaysan yahay ka qayb qaadashada shacabka DDSI.

Wuxuuna madaxwaynuhu ku booriyay musharaxiinta XDSHSI in ay muujiyaan dadaalkooda ku qotoma hirgalinta barnaamijka XDSHI. Tababarkan ayaa sii soconaya taniyo barito iyadoo ay shabakada CakaaraNews idin lasoo socod siin doonto tababaradan u socda musharixiinta XDSHSI.