CIID MUBAARAK



 

      

Banaanbax Balaadhan Oo Lagaga Soo Horjeedo Falkii Agagixisada Ee Lagu Dilay Muwaadiniinta Itoobiya Ayaa Xarunta DDSI Ee Jigjiga Kadhacaysa Barito.

Jigjiga(CN) Talaado.April.21.2015, waxaa laga bilaabo maalinta bari ah ilaa 3 cisho calanka dalka Itoobiya hoos loo dhigi doonaa kadib murugadii naxdinta lahayd ee kooxda argagixisada  ISIS ay ku dileen ilaa 30 qof oo muwaadiniinta reer Itoobiya ah kuwaas oo kusugnaa wadanka Libya.

Hadaba waxaa maalinta bari ah banaan bax balaadhan oo lagaga soo horjeedo falkaasi foosha xun ee argagixisada uu kadhici doonaa xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga halkaas oo ay kasoo qayb gali doonaan madaxda ugu saraysa DDSI oo ugu horeeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Golaha Cabinetka, Wasiirada, Golaha awqaafta iyo arimaha diimaha, odoyaasha, culomo awdiinka, dhalinyarada iyo dhamaan bulshawayanta qaybaheeda kala duwan.

Sidoo kale waxaa ay banaan baxayadan oo kale kadhici doonaan qaynaha kale ee dalka sida xarunta dalka ee Addis Ababa iyo magaalooyin kale. Faah faahinta waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.