Jaaliyada DDSI ee North America Ayaa Maanta Banaan Bax Ay Si Kulul Ugaga Soo Horjeedo Falkii Argagixisada ISIS Ay Kudileem Muwaadiniinta Itoobiyaanka Ah Kasameeyay Gobolka Minnesota.

Minnesota(CN) Khamiis.April.23.2015, jaaliyada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee waqooyi Ameerika ayaa maanta banaan bax balaadhan kasamaysay gobolkaasi Minneasota kaasoo ay jaaliyadu si kulul ugaga soo horjeedaya falalka foosha xun ee ay kooxda argagixisadu u gaysatay walaalahoodii Itoobiyaanka ahaa ee kusugnaa wadanka Libya.

Jaaliyada ayaa canbaaraysay ficilka binu aadanimada kabaxsan ee loo gaysatay walaalahooda aan waxba galabsan ee kusugnaa wadankaasi. Maamulka iyo xubnihii jaaliyada ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dhibkan loo gaysatay muwaadiniintooda Itoobiyaanka ah iyagoo tacsi u diray eheladii iyo dhamaanba shacabwaynaha Reer Itoobiya meelkasta oo ay joogaan.

Maamuka jaaliyada ayaa si cad u sheegay in ay tani dhibaato labaad kutahay diimaha ay argagixisadu magacooda ku gabanayaan iyagoo gumaadaya aadamaha oo dhan, taasina ay si cad uga madax banaan tahay diinta islaamka ee ay kooxahani gabaadka kadhiganayaan.

Dhanka kale waxay jaaliyadu ay iyagana aad u canbaaraysay sida axmuqnimada ah ee ay qaar kamida dadka Koonfur Afrika dhawaan ugu dileen dadka kasoo jeeda wadamada Afrika ee madawga ah. Waxayna jaaliyadu ku baaqday in guud ahaanba caalamku ay iska kaashadaan ladagaalanka iyo baa'binta argagixisada iyo falalkooda cadawga ku ah binu aadamka.