Madaxwaynaha DDSI Oo Galabta Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta Deegaanka ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmahan ugu maqnaa magaalada Addis Ababa shirkii heer federaal ee looga hadlayay kor u qaadista dhoof gaynta  waxsoosaarka dalka kaasoo ay madaxwaynaha iyo masuuliyiin heer deegaan ah ay ka qayb qaadanayeen ayaa maanta galinkii danbe soo gaadhay xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga.

Shirkaas oo soo gaba gaboobay habeenimadii ay Axadu soo galaysay ayuu deegaanku markii 3aad kaqayb galay shirka caadiga ah ee looga arinsado arimaha waxsoosaarka iyo dhoof gaynta iyadoo hada kahor aysan kaqayb gali jirin deegaanka Soomaalida Itoobiya marka laga reebo sadexdii sano ee u danbaysay.

Deegaanka ayaa lagu amaanay ladagaalanka koontarabaanka iyadoo markii ugu horaysay uu deegaanku sida sharciga ah u bilaabay dhoof gaynta xoolaha oo hada kahor si sharci daro ah loo dhoof gayn jiray. Deegaanka ayaa sidoo kale bilaabay dhoofgaynta waxsoosaar badan oo ay kamid tahay sin sinta cad oo aad loo dhoofiyo.