Madaxwaynaha DDSI Iyo Waftigiisii Kusugnaa Xadhig Jarka, Dhagax Dhiga, iyo Hawlaha Kormeer ee Gobolka Nogob Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Kulliyada Farsamada Fiiq.

Fiiq(CN) Jimce.May.01.2015, sida aad wararkayagii hore kala socoteen Shabakada CakaaraNews waftigan uu horkacayo madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xalayto u hoyday xarunta gobolka Nogob ee Magaalada Fiiq kadib markii ay shalayto xadhiga kasoo jareen buundada halbawlaha ah ee Waangey islamarkaana ay uga talaabeen degmooyinkii kala xidhnaa ee Lagahida iyo Salaxaad oo ahayd abid markii ugu horaysay ee madax sare oo dawlada ah ay degmooyinkaasi u gudbaan.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta dhagax dhigay aas aaska kulliyada Farsamada iyo xirfadaha ee Magaalada Fiiq (Fiiq Poly Technic College) halkaas oo ay aad u soo dhaweeyeen dhamaan bulshada gobolka Nogob gaar ahaan shacabkii kusugnaa xarunta gobolka ee magaalada Fiiq.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xukuumada DDSI ay xooga saarayso Kuliyadaha noocan oo kala ah islamarkaana ay dhamaan goboladu kasinaan doonaan iyadoo ay maanta Kulliyada Fiiq kamid noqonayso shanta Kulliyadood ee cusub ee dhawaan deegaanka laga hirgalinayo. Madaxwaynaha oo kahadlaya ahmiyada kulliyadan Fiiq ayaa sheegay in ay fursad balaadhan u heli doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana ay aqoon ficliyan ah oo wakhtiyo gaaban laga midho dhalin karo fursad uga heli doonaan dhalinyarta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu.

Waftiga ayaa sidoo kale maanta kormeer hawleed kusoomaray mashaariicaha jidadka iyo buundada isku xidhaysa Fiiq iyo degmada Mayomuluqo islamarkaana uu madaxwayanuhu kulan balaadhan kulayeeshay shacabka degmada Mayomuluqo.  Shacabka degmada Mayomuluqo oo madaxwaynuhu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay lakulankooda ayaa iyaguna aad uga muuqatay farxad iyo shucuur balaadhan oo ay madaxwaynaha iyo waftigiisa kusoo dhaweeyeen. Kormeerka mashaariicaha jidadka, buundada Mayomuluqo iyo waftiga madaxwaynaha waxaad faah faahintooda kaheli doontaan wararkanaga danbe.

Socdaalkan madaxwaynaha iyo waftiga uu horkacayo oo isugu jira xadhig jar mashaariico, dhagax dhig , Kormeer, daraasaad hawlaha horumar iyo baahiyaha shacabka, shirar iyo kulamo wadatashi ah ayaa loogu magac daray Gargaar iyo Damiir Lahaansho.