Ugaas Xasan oo Leh Hambalyo Qabridahar University & Buundada Waangey & Warshada Sonkorta Godey & Fiiq Poly Technic College

London(CN) Ugaas Xasan ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diraya guulaha horumar ee xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar kawado deegaanka isagoo carabka kudhuftay mashaariicaha horumarineed ee kajawaabaya baahida shacabka iyo xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad. Wuxuuna Ugaas Xasan kubilaabay sidan hoos ku qoran:

Waxaan Hambalyo u Dirayaa Dhamaan Shacabka DDSI Gaar Ahaan Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Nogob Waxaan Kalo Hambalyo u Dirayaa Waftigii Sare uu Horkacayay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Xadhiga kajaray Buundada WAANGEY Taariikhiga Noqotay Marka laga Eego Baahida Sidii Weyn Ay u Qabeyn Shacabka Gobolka Nogob.

Waxaan kaloo Ku Farxa Sanahay Dhagax Dhiga buundada Cusub ee Waangey Madaama Ay Tani baahida Deg deg ah aheyd lagu Dhisay Maantana Ay bixineyso Adeega isku Xidhka Gaadiidka iyo Xoolaha Ay Marayaan Waa Alle Mahadii Waxaan kaloo Ku Farax sanahay Dhagax dhiga Kulliyada Farsamada iyo Xirfada Ee Magaalada Fiiq (Fiiq Poly Technic College)

Waxaan kaloo Soo Dhaweyneynaa oo Hambalyo iyo Taageero u direynaa Shacabka itoobiya Gaar Ahaan DDSi Dhagax Dhigii (Kabridahar University) Iyo Warshada Sonkorta ee Godey.

Kulankii Casho Sharafta Madaxweynayaashii Hore DDSi iyo Waxaan Kaloo soo Dhaweynayaa Socdaalkii Caano kadhan Ee Jaaliyadda Waqooyiga America uu Kulan ka Wada Tashiga Ahaa ee Xukumadda DDSI iyo Qurbajoogta Waqooyiga America.