Ramadan Kariim 



 

      

Diyaarinta Qoraalka Qorshaha Shanta Sano Ee Isbadalka Iyo Koboca Dhaqaalaha DDSI Oo Wareegii 2aad Maanta Lasoo Gabagabeeyay.

Jigjiga(CN) Isniin.May.04.2015, xukuumada DDSI ayaa waxay  leedahay halbeegyo lagu cabiro gaadhida iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee kala duwan sida qorshaha yoolasha qarniga ee heer caalami (MDG) qorshaha GTP ee qaranka, qarshaha shanta sono ee koboca isbadalka  dhaqaalaha  DDSI iyo waliba qorshayaal muhiim ah oo ku qotoma hore u gaadhida horumar buuxa.

Haddaba maadaamo habka loo diyaariyo qorshaha cilmiyaysan iyo natiijadiisuba tahay mid si gaar ah loogu qeexayo qoraalo si looga midho dhaliyo gaadhida isaraatajiyadaha iyo jihooyinka la dajistay ee   qorshayaashaasi ayaa waxay xukuumada DDSI hadda ku gud jirtaa diyaarinta qoraalka qorshaha shanta sano ee soo socda ee  koboca isbadalka  dhaqaalaha.

Waxaana, maanta lagu soo gabagabeeyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI diyaarinta wareegii 2aad ee qoraalka qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha DDSI ee shanta sano ee soo socda 2008- 2012TI.

Diyaarinta  qorshahan oo soo bilaabmay bishii hidaar ee SM 2007 TI soona maray heerar kala duwan islamarkaana dhamays tirkiisa la soo gabagabayntooda bilaha fooda inagu soo haya ayaa hada mudo 20 maalmood ah ay diyaarintiisa ku jireen  dhamaan qaybaha qorshaynta ee xafiisyada DDSI iyo gudiga isku duba ridka hagista qorshaha ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI.

Xidhitaankii soo gabagabaynta wareegii 2aad ee diyaarinta qorshaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirku xigeenka  xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo ugu horayntii ugu mahad celiyay khabiiradan diyaarinayay qorshaha dadaalka kartida iyo ka go’naanshaha ay muujiyeen mudadii uu socday. Wuxuuna wasiirku xigeenka sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyada iyo jihooyinka horumarineed ee ay xukuumada DDSI hiigsanayso iyo wadooyinka loo marayo gaadhida qorshayaashaasi

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay madashaasi gadhwadeenka geedi socodka  qorshaynta miisaaniyada qiimaynta iyo dabagalka  ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Cabdiraxmaan  Axmed (goday)  oo ka warbixiyay marxaladaha kala duwan ee oo soo maray  diyaarinta qorshahani yo heerka uu hada taagan yahay isaga oo sheegay in dhawaan la soo gabagabayntooda diyaarinta qorshahan.