Ramadan Kariim 



 

      

Tababar Kusaabsan Kobcinta Garaadka Hogaamineed Ee Maareeyaasha Degmooyinka G/Shabeelo Ayaa Lagusoo Gabagabeeyay Xarunta G/Shabeele Ee Magaalada Goday.

Godey(CN) waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta gobolka shabeele, ee Goday tababar muddo 10 maalmood, u so socday dhamaan maareeyayaasha santarada hoosyimaada degmooyinka Gobolka Shabeele.

Tababarkaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen wasaarada adeega shacabka ee JDFI iyo xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd, in fahan buuxa laga siiyo maareeyayaasha  santarada, aas aaska kaabayaasha duleed ee maamulada santarada iyo santara hoosaadyada, nidaamka qaabdhis meedyada ciidanka horumarineed  ee qaybaha kala duwan dawlada  ee hoos yimaada degmooyinka iyo gobolada, nidaamka  hirgalinta adeeg helista deg dega ah, hanaanka qiimaynta waxqabadka  iyo waliba cashiro kale oo muhiim ah.

Tababarkaa,  ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadashay, wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka  DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo si qoto dheer uga warbixisay ahmiyada uu leeyahay  tabarkaasi, wasiiradu iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in si loo  xoojiyo taabo galinta koboca dhaqaalaha, maamulka suuban loona hanto horumar bulsho oo balaadhan in ay muhiin tahay  xoojinta iyo kobcinta garaadka aqooneed ee hogaaminta heerarkeeda kala duwan isku xidhka santarada tuulooyinka ilaa tuulo hoosaadyada. Waxayna, wasiiradu ku boorisay dhamaanka soo qaybgalayaashii tababarkaasi in ay sidii loogu tala galay u hirgaliyaan aqoontii ay ka barteen tababarkaasi.

Waxaana tababarkaa intii uu socday ka bixinayay cashiraanta khabiiro ka kala socday wasaarada adeega shacabka JDFI iyo xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI. Sida ay sheegay  wasiir maajida waxaa tababarka noocan oo kale ah laga fulindoonaa dhamaan gobolada DDSI.