Komishinka Anshaxa Iyo Kahortaga Musuqa DDSI Oo Tababar U Soo Xidhay Shaqaalaha Iyo Masuuliyiinta Maamulada Xaafadaha Maamulka Magaalada Jijiga.

Jigjiga(CN) Khamiis.May.07.2015, musuqa iyo nidaam daranada shaqo waa caqabadaha lid ku noqon kara gaadhida iyo hiigsiga   horumarka waara, si loo qalijiyo loona tir tiro musuqa iyo nidaam darnada shaqo,  islamarkaana loo joogteeyo geedi socodka horumarka iyo dimuqoraadiyada ka taam yeeshay deegaanka ayaa waxa uu komishinka anshaxa iyo la dagaalka musuqu tan iyo intii la aas aasay uu guulo waawayn ka soo hooyay dhinaca wacyigalinta,  hortaga iyo la dagaalanka musuqa.

Wuxuuna tababro iyo wacyigalinka uu ka  fuliyay  dhamaan degmooyinka deegaanka, isaga oo maanta u soo gabagabeeya tababar ku saabsan ka hortaga iyo la dagaalanka musuqa shaqaalaha iyo masuuliyiinta maamulada xaafadaha maamulka magaalada jijiga.

Waxaana  xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay komoshineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga  musuqa DDSI mudane Maxamuud C/qaadir wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay ka hor taga iyo la dagaalanka musuqa iyo noocyada uu u qabsano musuqu iyo waliba jihooyinka looga hortaga, wuxuuna ku booriyay xubnihii uu tababarku u soo dhamaaday in ay sidii looga faa’iidaystaan gufeeyaana meelaha ay isleeyihiin waxaa ka iman kara musuq.

Dhankooda xubihii uu u soo dhamaatay tababarku ayaa waxay ka warbixiyeen faa’iidooyinka ay ka heleen  mudadii uu socday tababarku kuwaasi oo sheegay in ay siwayn u hirgalinayaan meel marinta cashiradan ay barteen ugana faa’iidaynayaan bulshada qaybaheeda kala duwan.