Maareeye Kuxigeenka Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Kawarbixisay Geedi Socodka Shaqo Iyo Waxqabadkii Bilihii Ugu Danbeeyay Ee Xafiiska Adeeg Bixinta Maamulka Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Jimce.May.08.2015, waxaa hubaal ah in sanadihii ugu danbeeyay caasimada deegaanku noqoday mid la jaan qaadaysa caasimadaha dalkeena iyo kuwa caalamkaba, ka dib markii ay xukuumada DDSI u dajisay qorshayaal iyo istaraatajiyada ku taxa luqa bilica iyo baaxada caasimada deegaanka taasi oo si mug leh looga midho dhaliyay.

Haddaba maareeye ku xigeenka maamulka magaalada jijiga marwo  Faaduma Nuur Barkhad oo xafiiskeeda ugu waramaysay wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa si mug leh uga  uga warbixisay geedi socodka shaqo  iyo adeeg bixinta xafiiska maamulka magaalada jigjiga.

Waxayna ugu horayntii maareeye ku xigeenku ka warbixisay nidaamka shaqo ee xafiiska adeeg bixinta maamulka magaalada jigjiga iyo waaxaha uu ka kooban yahay sida waaxda maamulka dhulka, waaxda horumarinta jidadka, waaxda dhismaha iyo nashqadaynta iyo waliba waaxda adeega arimaha bulshada. iyada oo waax walba ka warbixisay  heerka daboolka uu gaadhsiisan yahay adeeg bixintiisu.

Maareeye ku xigeenku marwo faaduma iyada oo ka warbixinaysa arimahaasi waxay tidhi”  si loo xoojiyo loogana midho dhaliyo   hannaan sahlaaya horumarka magaalada oo ku fadhiya nidaamka kobcinta awooda wax soo saarka, islamarkaana la  xaqiijiyo hirgalinta qorshihii la dajiyya, iyada oo  laga duulayo gufaynta  baahida bulshada magaalada iyo  adeegyada kor loogu qaadayo  kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda maamulka magaalada , iyada oo la hirgalinayo  dadaalka loogu jiro horumarka dhaqaale islamarkaana la xoojinyo  jawi sahlaaya in ay hantiilayaasha gaar u  maalgashadaan magaalada una  warshadeeyaa,  kuwaasi oo   ahmiyada u leh horumarka magaalada iyo kobcinta xaalada dhaqaale ee bulshada si loo tir tiro saboolimad ayaa waxaan guulo wax ku gool ah ka soo hoynay hirgalinta qorshyaashii u yaalay maamulka magaalada 9kii bilood ee sanad miisaaniyeedkan”.

Waxaa kale oo ay sheegay sheegtay maareeye ku xigeenku in adeegii loo fudin jiray shacabka maamulka magaalada jijiga kor loo qaaday lana xoojiyay nidaamkii adeeg bixinta bulshada, iyada oo laga duulayo la jaan qaadka koboca qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumada DDSI dajisatay .
Sidoo kale waxay marwo faaduma tilmaantay in ay bilihii ugu danbeeyay la hirgaliyay wadooyin badan oo laamay ah, kuwa la dhigo dhagax qoran iyo  samaynta iyo dayactirka wadooyin badan.
Waxaa kale oo ay marwo faadumo si durugsan uga warbixisay  in hadda meelaha ma foq magaalada laga bixinayo qorshaha maste planka kaasi oo kor u qaadaya bilicda iyo baaxada caasimada deegaanka ee jijiga,

Ugu danbayntii waxay marwo faadumo ku boorisay dhamaan shacabka DDSI dalka iyo dibadaba gaar ahaan maalgashadada deegaanku in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka gaar ahaan kuwa caasiamda deegaanka kana qaybqaataan hirgalinta horumarka xawliga ku socda, ee ka hanan qaaday deegaanka sidoo kalena su mug leh uga qayb qaataan codbixinta doorashooyinka DDSI isna garab istaagaan XDSHSI maadaamo oo uu guulo gashi u noqday deegaanka kasoo hooyay dhinacyada horumarka nabadgalyada, koboca dhaqaalah qalajinta saboolnimada iyo jahliga.