Gudoomiyaha SEDYO Finland Oo Aad Uga Mahadceliyay Dhamaan Kasoo Qaybgalayaashii Iyo Guddiyadii SEDYO Sweden Ee Soo Agaasimay Shirkii Västerås.

Finland(CN) Arbaco.13.2015, guud ahaanba dhalinyarta SEDYO ayaa ah kuwo markasta u taagan hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada shacabkooda, waana dhalinyaro aad uga qayb qaadata hawlahaasi horumarka iyo xidhiidhka dadwaynaha, waxayna toddobaadkan shirwayne balaadhan ku qabteen wadanka Sweden magaalada  västerås halkaas oo ay kasoo qayb galeen dhamaan SEDYO iyo Safaaradaha wadamada Scandinivianka, waxaana khadka taleefonka shirkaasi kaga qayb qaatay hadalo qaali ah oo dhiiri galin ahna kasoo jeediayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Hadaba waxaa aad uga mahadcelinaya gudoomiyaha SEDYO Finland mudane Yusuf Ahmed Mohamud oo ku bilaabay sida tan:-

Anigo kuhadlaya Magaca Ururka Sedyo Finland waxaan u aad ugu mahad celinayaa Dhamaan dadkii kaqayb qaatey shirkii kadhacay Sweden gar ahaan Väestös. Waxaan si gaar oogu Mahad celinayaa Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo markasta garabtaagan dadkiisa meelkasta oo ay dunida kajoogan, waxaan leyahay Madaxwayne Mahadi ha kaa gaadho Dadalkaaga aad u noqotay hormuudka nabada, horumarka iyo xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad.

Waxaan kaloon u mahad celinayaa Ambassadar.Marwo.Woinshet Tadesse oo kaqayb qaadatey Qabsoomida shirka iyo Qunsulka Mr.Hussein Ahmed oo isaguna qayb wayn kaqaatey. Waxaan kaloon si gaar ah ugu mahad celinayaa firfircoonida iyo agaasimidii quruxda badnayd ee masuuliyiinta iyo dhalinyarada SEDYO Sweden iyo Jaaliyada Guud ahaanba aad ayaan ugu mahadcelinayaa sida ay markasta u garabtaagan yihiin dadaalada horumar, nabadgaliyo, iyo xidhiidhka dadwayanahaba.