Gudiga Jaaliyadda Iyo Gudiga Guurtida DDSI Magaalada Birmingham Ee UK Oo Yeelatay Kulan Lagu Taageerayo Mashaaricyada Hormarineed Ee Xukumadda DDSI Ay Ka Fulisay Deegaanka.

Birmingham(CN) Sabti.May.16.2015, Kulan Ka Ayaa Waxaa Soo Agaamisamay Gudiga Guurtida Iyo Gudiga Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham.Waxaana Kulanka Daah Furay Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK Mudane Bile Maxamed Siyaad Waxaa Mikrifoonka Lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Gudiga Guurtida Jaaliaydda DDSI Ee Magaalada Birmingham Sheekh Cabdi Raxmaan Xaaji Siraad Oo Halkaasi Aayado Quraan Ka Soo Jeediyay Una Hambalyeeyay Xukumadda DDSi Mashaaricyada Hormarineed Ay Ka Fulisay Deegaanka Sida Jaamacada Qabridahare Iyo Warshada Sokorta Godey Iyo Buundada Waangey.

Waxaana Halkaas Ka Hadlay Ugaas Cabdi Qani Oo Dhawaan Ka Yimid Deegaanka Oo In Mudo Ah Ku Maqanaa DDSi Oo Socdaal Dheer Ku Soo Maray Deegaanka Oo Xaqiiqada Ka Jirta Deegaanka Ugu Warbixiyay Gudiga Jaaliaydda Sidoo Kale Xukumadda DDSi Ugu Mahad Celiyay Waxqabad Kooda Sida Mashaaricyada Hormarineed Ee Laga Fuliyay Deegaanka Sida Jaamacada Qabridahare Oo Ugaaska Sharaxaad Dheeraad Ka Bixiyay Faa’idada Ay Leedahay In Maant Ay Nasiib U Yeelanay In Deegaanka Laga Hirgaliyay Sidoo Kale Warshada Sokorta Laga Hirgalinayo Gobolka Shabeelle Iyo Buundada Waangey Mashaarciyada Xukumadda DDSi Ay Ka Hirgalineyso Deegaanka.

Waxaana Halkaas Ka Hadlay Sheekh Maxamed Dhayib Oo Ka Mid Ah Culmada Waaweyn Ee Dalka Ingariiska Oo Sidoo Kale U Mahad Celiyay Xukuumadda DDSi Mashaaricyada Ay Ka Hirgalisay Deegaanka Sheekha Wuxuu Sheegay Hadii Wax Wanaagsan Lasameeyo Diinta Waxey Nafareysaa In Aan Sheegno Waxa Waxa Wanaaga Lasameeya ( وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّث ) Sida Dhagax Dhiga Jaamacada Qabridahare Iyo Warshada Sokorta Godey Iyo Buundada Waangey Iyo Dhamaan Mashaaricyada Hormarineed Ay Ka Fulisay Xukuumadda Deegaanka Waa Nimco Alle Nasiiyay Taasina Waa In Aan Alle Ku Xamdinaa Oo Aan  Xukuumadda U Hambalyeeynaa.

Waxaana Halkaas Ka Hadlay Sheekh C/Raxmaan Xaaji Siraj Oo Aad Uga Warbixiyay Buundada Waangey Oo Inta Aan Buundada Lasaarin Dhibaato Kala Kulmay Wuxuu Sheegay Maanta In Xukumadda DDSi Uga Mahad Celinayo Shacabka Reer Nogbeed Waxey Nasiib U Yeesheen In Maanta Si Dhib Yaraan Ay Ku Gudbayaan Taasii Waa In Xukumadda DDSI Loogu Mahad Celiyo Sida Wanaagsan Ay Shacabka Markasta Ay U Garab Taagan Tahay.

Waxaana Halkaas Ka Hadlay Ugaas C/Naasir Ismaacil Oo Xukumadda DDSi Uga Mahad Celiyay Sida Wanaagsan Ay Uga Hirgalisay Mashaariicyada Hormarineed Deegaanka Ugaaska C/Naasir Ayaa Codsaday In Jaamacada Sadaxaad In Laga Hirgaliyo Gobolka Liibaan Ugaaska Yaa Intaa Ku Daray In Gobolka Liibaan Uu Hodon Ku Yahay Kheyraadka Wax Soo Saarka Oo Ka Warbixiyay Ugaaska Hormarka Baaxada Weyn Ee Ka Jira Gobolka Liibaan.

Waxaana Halkaas Ka Hadlay Farxiyo Cabdi Qaadir Gudoomiyaha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham Ee UK Iyo Kuxigeen Keeda Ayaan Xasan Aamusane Oo Ay U Mahad Celiyeen Xukumadda DDSi Ayna Ku Farax San Yihiin Waxqabadka Sida Dhagax Dhiga Jaamacada Qabridahare Iyo Warshada Sokorta Godey Iyo Buundada Waangey.

Ugu Dambeyntii Dhamaan Magacyada Hoos Ku Xusan Gudiga Guurtida Iyo Gudiga Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham Waxey Hambalyo Iyo Mahadcelin U Dirayaan Xukumadda DDSI.

Gudiga Guurtida DDSi Birmingham
(1) Sheekh C/Raxmaan Xaaji Sirad
(2) Sheekh Maxamed Dhayib
(3) Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed Qani
(4) Ugaas C/Naasir Ismaaciil
(5) Ugaas Xasan Ugaas Maxmed

Gudiga Jaaliyadda DDSi Birmingham
(1) Bile Maxamed Siyaad
(2) Maxamec Askari
(3) Bashiir Cowl
(4) Yusuf Barkhadle Mahdi
(5) C/Raxmaan Gilingil
(6) Farxiyo Cabdi Qaadir
(7) Ayaan Xasam Amusane
(8) Waris Faarax Dayil