CIID MUBAARAK



 

      

234 Muwaadiniin Oo Kasoo Laabtay Dalalka Ay Dhibaatooyinku Kjiraan Ee Yemen Iyo Libya.

Jigjiga(CN) waxaa wali socda dadaalada ay xukuumadu wado ee ay dib ugu soo laabanayaan muwaadiniinta Itoobiya ee kusugnaa Yemen, Libya iyo wadamada ay dhibaatooyinka nabadgaliyo daro kasocdaan.

Hadaba waxaa taniyo xalay ilaa maanta Libya ka yimid 38 muwaadiniin halka ay Yemen kasoo laabteen 196. Waxaana shalayto soo gaadhay Addis Ababa 183 muwaadiniin.

Wasiirka arimaha dibada ee DFI mudane Tedros Adhanom ayaa sheegay in lasii wadayo dadaalada ay muwaadiniinta Itoobiya ee kusugan Yeman ay dib ugu soo laabanayaan maadaama ay halkaasi kasocdaan xaalado cakiran oo dhibaataynaya muwaaadiniintan.