CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DDSI Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Kulliyada Farsamada Ee Dhagaxbuur.

Dhagaxbuur(CN) Jimce.May.22.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta dhagax dhigay kulliyada Farsamada ee Dhagaxbuur, waxaana aad  usoo dhaweeyay shaxabka magaalada iyo guud ahaanba gobolka Jarar dhagax dhiga Dhagahbour Poly Technic College. Madaxwaynaha ayaa waxaa wahelinayay masuuliyiin isugu jiray heer deegaan iyo heer gobol.

Madaxwaynaha oo munaasibadii dhagax dhiga khudbad kasoo jeediyay ayaa kahadlay kuliyada farsamda iyo ahmiyada ay u leedahay isbadalka horumar ee dalkeena. Isagoo madaxwaynuhu sheegay inay koboca dhaqaale ee dhanka aqoonta ay wax kabadalayso kuliyadan oo ah mid ay deegaanku wada leeyihiin sida kuliyadaha kale.

Waxaa xusid mudan in ay xukuuma DDSI ay kuhawlantahay hirgalinta mashaariicaha waawayn ee lalabeegsanayo horumarinta dhaqaalaha oo dhinacyo badan taabanaya.