Ramadan Kariim 



 

      

Waxaa Si Habsami Leh Kudhamaatay Codbixintii Doorashada 5aad Ee Dalka Iyo Deegaanadaba.

Jigjiga(CN) Axad.May.24.2015, doorashadii 5aad ee 2007.T.I oo dalku u diyaargaroobayay bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa saaka 6 subaxnimo guud ahaanba dalka kabilaabatay codbixintii waxaana ay si habsami leh u soo gabagaboowday 6 makhribnimo.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo deegaanada kale ee dalka ayaa gabi ahaanba waxaa si habsami leh uga qabsoontay codbixintii oo lasoo gabagabeeyay makhribnimadii saacadu markay ahayd 12 ama 6 PM.

Waxaana haatan lagu jiraa tirinta codadka ay maanta bixinayeen muwaadiniinta sharciga dastuuriga ah u leh in ay doortaan lana doorto.