CIID MUBAARAK



 

      

Shir Balaadhan Oo Looga Tashanayay Qorshaha GTP2 Shacabkana Looga Mahadcelinayay Habsami U Socodkii Doorashada Ayaa Shalay Kaqabsoomay Hoolka Shirarka Ee Magaalada Qabridahar.

Qabridahar(CN) Talaado.May.26.2015, shirkan oo lagu xusayay sida habsamida iyo nabadgaliyada leh ee ay doorashada dalku u dhacday islamarkaana looga arinsanayay qorshayaasha horumarineed ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha gobolka Qoraxay Muadane Yusuf Aaden Yusuf, Mayorka magaalada Qabridahar Ifraax Cumar Muuse, masuuliyiin, guurtida odoyaasha deegaanka sida ugaasyada, garaadada, suldaamada, qaar kamida madaxdii hore ee deegaanka soo maray, iyo qaybaha kala duwan ee shacabka gobolka Qoraxay.

Madaxwayanaha ayaa ugu horayntii uga mahadceliyay shacabka DDSI sida nabadgaliyada leh ee ay u dhacday doorashada shanaad ee dalka taasoo guud ahaanba Itoobiya uga dhacday sidii ugu nabadgaliyada badnayd islamarkaana ay shacabku kaalintoodii uga soo baxeen. Wuxuuna si gaar ah madaxwaynuhu u aad u booriyay kaalinta dumarka iyo dhalinyarada.

Madaxwaynuhu waxaa uu shacabka uga xogwaramay qorshayaasha horumarineed iyo sidii ay shacabku ugasoo bixi lahaayeen kaalintooda kaga aadan dadaalka horumarineed ee hayaanka dalku u socdo. Wuxuuna madaxwaynuhu shacabka aad ugula hadlay in lasii laban laabo dadaalka horumarka loogu jiro gaar ahaan beeralaynimda iyo waxsoosaarka.

Waxaa kale oo madaxwaynuhu usoo bandhigay shacabka iyo guurtidaba in loo baahanyahay talooyinka iyo kushaqaynta nidaam dhisid oo ah dhaliil isdhaliil oo dhan walba ah, si aan uga barano dhinaceena adag iyo dhninaca liita ee shantii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in si balaadhan looga hadli doono shirwaynaha wadatashiga ee sanadlaha ah kaasoo markasta dhaca horaanta bisha barakaysan ee Ramadaanka oo haatan fooda inagusoo haya.

Sidoo kale madaxwaynuhu waxaa uu kahadlay bilicda iyo balaadhinta sektorka ganacsiga ee xarumta gobolka Qoraxaey, wuxuuna ku baaqay in laxoojiyo dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Dhankooda waxaa iyaguna aad usoo dhaweeyay sida nabada iyo xasiloonida ah ee ay doorashadu uga dhacday dalka guurtida wax garadka odoyaasha deegaanka oo shirkaasi kasoo qaybgalay waxaana ugu horayntii kahadlay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo sheegay in ay guul wayn tahay oo Allaah loogu mahadaiyo sida habsamida leh ee ay doorashadu dalka uga qabsoontay.

Garaadku waxaa uu kaloo kahadlay arimaha mashaariicda horumarka isagoo sheegay in ay guurtidu dhankooda soo bandhigi doonaan shirwaynaha wadatashiga waxayna balan qaadeen guurtidu inay dadaalka xukuumada la ilaashan doona islamarkaana kaalinta shacabka lasii xoojin doona.

Shirka ayaa ahaa mid looga mahadcelinayo kaalinta shacabka iyo doorashada u dhacday sida nabada buuxda ah islamarkaana looga tashanayay hawlaha horumar ee socda iyo qorshayaasha wareega labaad ee isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa iyaguna hadalo dhaxal gal ah halkaasi kasoo jeediyay ugaasyada iyo suldaamada shirkaasi kasoo qayb galay.