Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabada Xuska 24 Jirsaday Ee 20ka Ginbood Oo maanta Guud Ahaanba Dalka Gaar Ahaana Deegaanka Siwayn Looga Xusay.

Jigjiga(CN) Khamiis.May.28.2015,waxaa Maanta Guud ahaanba DFI gaar ahaana DDSI si wen looga Xusay Xuska 24aad ee 20ka GInboot oo ay Dhamaanba Degmooyinka iyo Gobolada DeegaankaSoomaalida Itoobiya ay Si Xamaasad leh uga qaybqaadanayeen Dhamaanba Qaybaha Bulshada oo Farxadooda iyo Xusuusta Taariikhda Dhaxalka ah ee ay Maalintani u leedahay ku muujinayay.

Haddaba, Munaasabadan si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta deegaanka ee Jigjiga, gaar ahaan garoonka wayn ku dhexyaala xarunta madaxtooyada waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid  Madaxweynaha DDSI Ahna Gudoomiye Ku xigeenka XDSHSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, Madaxa Xarunta Dhexe XDSHSI, Golaha Capinetka ,Odoyaal Dhaqameedka, Qurajoogta,Shaqaalaha Dawlada, masuuliyiinta iyo shaqaalaha maamulka magaalada Jijiga iyo qaybaha kala duwan ee ku dhaqan 20 xaafadood ee maamulka magaalada Jigjiga.

Munaasabadan oo ay qayb lixaad leh ka qaadanayeen kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI ayaa waxaa khudbad mug leh ka soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, oo ugu horayntii ugu hanbalyeeyay dhamaanba shacabwaynaha dalkeena Itoobiya gaar ahaan kuwa DDSI dalka iyo dibadaba guushan qaaliga ah qaaliga ah ee 20-ka Ginbood.
Waxaan kusii hanan karnaa midhaha Ginbood inaguu dhulka kufoorarsana oo beeraha iyo khayraadka dalkeenu hodanka kuyahay ka faaidaysana ayuu yidhi madaxwaynuhu.

Wuxuuna, madaxwaynuhu si qoto dheer ugu hanbalyeeyay shacabwaynaha iyo xisbiga EPRDF guulaha dhaxal galka ah ee dhinaca kasta leh ee ay gaadheen isaga oo sheegay madaxwayuhu in ay ku soo beegan tahay munaasabadani xili ay doorashadii shanaad ee dalka si nabadgalyo iyo xasilooniya uga dhacday guud ahaanba dalkeena itoobiya. Waxaa kale oo madaxwaynuhu sheegay in midhaha Ginbood lagusii joogtayn karo qorshayaasha horumarineed, xidhiidhka dadwaynaha iyo aragti midaysan oo shacabka iyo xukuumadaba ay kayeeshaan.

Isagoo madaxwaynuhu hadlaya madax ahmiyada ay maalintani leedahay ayaa waxa uu sheegay in sanad guurada guusha 20ka ginbood tahay maalintii ay  midho dhashay  halgankii lagaga takhaluusay kaligii taliyihii dhergiga islamarkaana ay dalkeena ka curatay dimoqraadiyad ku salaysan sugida dhamaanba xuquuqaha aasaasiga ah ee Qowmiyadaha itoobiya.

Mar uu madaxwaynuhu ka hadlayay guulaha muga leh ee laga dhaxlay 20ka ginbood ayaa waxa uu sheegay in ka  mid yihiin hananshada iyo hirgalinta dastuurka kaasi oo sees u noqday dhismaha nidaamka arimaha koboca dhaqaalaha dimiqoraadiyada, maamulka suuban dhawrista iyo daryeelka xuquuqaha, sheegayna in uu yahay dastuurkii xaqiijiyay islamarkaana ka midho dhaliyay dhismaha bulsho leh dhaqaale iyo siyaasad mid ah saldhigiisuna yahay saraynta sharciga isku dulqaadka qoomiyadaha dhawrista xuquuqaha aadamaha ta shaqsiyadeed iyo tan wadareedba.

Waxaa kale oo munaasabadaasi xuska 24 ee 20ka ginbood ka hadlay wasiirka arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo tilmaantay ahmiyada ay maalintani u leeyahay guud haanba shacabka itoobiya gaar ahaan kuwa deegaanka sidoo kale waxa ay marwo raxma ka warbixisay xuquuqaha gaarka ah ee ay maalintani siisay ka qaybgalka arimaha haweenka. Waxayna si gaar ah carabka ugu dhufatay xaquuqahaha ay dumamarka deegaanku heleen, shaqo abuurka sida daymaha lasiiyo iyo fiiro gaar ah oo loo yeeshay.